DEG DEG: Puntland oo Dacwad ka dhan ah Goodax Barre gaarsiisay Madaxda Sare ee DF Soomaaliya.

GAROOWE(P-TIMES)- Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay warkii xalay ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada ee dawladda Faderaalka Cabdullaahi Goodax Barre, oo uu ku sheegay in uu fashilmay Imtixaanka Shahaadiga ah ee maamukaas uu qaadayay, waxaana Puntland ay gudbisay dacwad ka dhan ah Wasiirkaas.

Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa daaha ka rogay in ay gudbiyeen Madaxda sare ee dawladda Faderaalka dacwadooda ka dhanka ah Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ay sheegeen in uu ku xadgudubay sharciga dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay Puntland ka xun tahay Goodax Barre uu sii hayo jagada wasiirka waxbarashada, isagoo gafaf iyo Been abuur-cad ku sameeyey howlaha Imtixaanka Mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed.

Puntland ayaa wararku sheegayaan in ay qaraar rasmi ah maalmaha nagu soo aadan ka qaadan doonto xariirka dawladda Faderaalka Soomaaliya, haddii aan wax ka qabasho deg deg ah laga sameynin ficiladii uu sameeyey wasiirka Waxbarahada Cabdullaahi Goodax Barre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.