DEG DEG: Rasaas xoog leh oo kasocota Magaalada Laascaanood iyo warar soo baxaya.

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya hadda magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in rasaas xoogan laga maqlayo xaafadda Koonfurta magaaladaas, taas oo lasheegay in ay u dhaxayso ciidamada Somaliland iyo dadka xaafadaas.

Dadka ayaa ka carooday xarig xalay loo geystay qaar kamid ah shacabka magaaladaas, iyadoo ciidamo badan oo caawa lasoo galiyey gudaha xaafadooda.

Maleeshiyaad udhashay magaalada ayaa ka carooday talaabada lagu xiray Xildhibaan Dhakool ookatirsanaa baarlamaanka Somaliland.

Talaabadaas awgeed xalay waxaa lagu xiray Laascaanood qaar kamid ah dhalinyaradda magaalada oo la sheegay in qaarkood loo qaaday magaalada Hargeyza.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo kuwajahan arrimahan caawa ka taagan Laascaanood.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.