DEG DEG+DAAWO: Goodax Barre oo Habaarkii ugu cuslaa huwiyey PL, kuna dhawaaqay in uu fashilmay Imtixaankii maanta.

MUQDISHO(P-TIMES) – Wasiirka Waxbarashada ee dawladda Faderaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo goor dhaw ka hadlayay magaalada Jowhar oo u tagay sidii HIRSHABEELLE u aqbali lahayd Imtixaanka 27-ka bishan la qaadayo ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Goodax Barre ayaa wax caadi ka soo qaaday fashilka inta badan ku yimi imtixaanaadka oo ay ka fashilmaan wadamada Caalamka iyo kuwa deriska ah, wuxuuna sheegay in saacadaas uu hadlayay uu fashilmay Imtixaanka Puntland.

Wasiirka Waxbarashada hadalkiisan ayaa u muuqday mid fashil ah, maadaama uu ka been sheegay fashilka uu sheegay in uu ku dhacay Imtixaankan Shahaadiga ah, oo maanta bilowday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.