Duqa Muqdisho oo Japan ugu qaybgalay shirka horumarinta Caasimadaha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa ka qaybgalay shir looga hadlayay horumarinta Caasimaha oo ka dhacay dalka Japan.

Wafdiga duqa Muqdisho ayaa tagay Tokyo oo ah Caasimadda Japan iyo Osaka oo ah Magaalada Madaxda labadaad ee Dalkaasi.

Yariisow ayaa la kulmay madaxdii ka qaybgashay shirka, isaga oo u bandhigay isbadalka Magaalada Muqdisho iyo waxyaabaha maamulkiisa uu hiigsanayo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Madax katirsan Wakaalada Iskaashiga Caalamiga Japan ee loosoo gaabiyo (JICA), isaga oo kala hadlay ka qaybqaadashada horumarinta caasimadda.

Si gaar ah waxa uu ugu dalbaday in ay ka gacansiiyaan Tubooyinka loo yaqaan Bulaacadaha ee jidadka biyaha ka qaado iyo mashaariicda lagu sameynayo.

Duqa Muqdisho ayaa dhowr jeer in uu ka shaqeynayo dib usoo celinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in ay la tartami doonto caasimahadaha kale ee dalalka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.