Maamulka Ceerigaabo oo diiday xaaladda deg degga ah ee uu Muusi biixi geliyay Sanaag

Maamulka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa diiday amar ka soo baxay maadxweynaha Somaliland
Muuse Biixi Cabdi kaas oo ahaa xaalad degdeg ah oo la geliyay Gobollada Sool iyo Sanaag.

Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in Gobollada Sool iyo Sanaag marka ay dhibaatooyin ka dhacaan aad loo
buun buuniyo halka Gobollada Galbeedka aysan sidaas ahayn.

Arrinta ismaadhaafka keentay ayaa ka dhalatay markii labo Sarkaal lagu dilay Gobolkaas, kuwaas oo laftooda
loo heystay in ay Xabsi ku dhex dileen Ganacsade degaanka ah oo ka doontay deyn uu kulahaa.

Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale diiday xaaladda degdegga ah iyada oo kulan Arbacadii ay qaateen uu
buuq ku dhamaaday loona qabtay sabtigii la soo dhaafay hayeeshee ka horba la fasaxa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.