Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Xalay Ay Garoowe Ku Yeesheen Madaxda Puntland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Magaalada Garoowe waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxa ay kulankooda ugu wada hadleen qodobo dhowr ah, Iskaashiga dhanka federaaleenta dalka, Amniga, Horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, tayeynta Hay’adaha Dowladda iyo Isweydaarsiga Hay’adaha Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan iskaashiga ah

“Runtii waxaa sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay inay madashan joogaan saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

“Waxaa si gaar ah sharaf weyn noogu ah Puntland inay maanta labadan maamul ay wadayeeshaan iskaashi iyo xiriir, iyadoo hadda ka hor dowladdaha Galmudug iyo Jubbaland u dhexmareen heshiisyo iyo shirar noocaan oo kale ah oo ay iskaashi iyo wax wadaqabsi uga wadahadlayeen”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka ee dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqaynta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.