MW Koofur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka oo kawada hadlay siidaynta Muqtaar Roobow.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Maanta Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka oo uu ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo uu  ka mid yahay xariga Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo weli u xiran dowladda Soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxweyne Lafta gareen.

Odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in muqtaar Roobow uu mudo dhowr bilood ah xiran yahay, iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn ayna dalbanayaan in la siidaayo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya Shiiqunaa Mayee.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Oayaasha Dhaqanka uu kulanka la qaatay wax auu u balan qaaday in dowladda uu kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa Muqtaar Roobow oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse dowladda isku-soo dhiibay, waxana uuna sheegay in uu horay u waday dadaalo ku aadan sidii loo sii dayn lahaa.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Sidoo kale waxaa horay u guul daraystay dadaalo kale oo la doonayay in lagu siidaayo Muqtaar Roobow oo in mudaa ku xiran Muqdisho oo ay sameeyeen Xildhaabo deegaan ahaan laga soo doorto Koofur Galbeed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

نتيجة بحث الصور عن ‪GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA‬‏
Godoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay Muqtaar Roobow,waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu siidaayo, iyada oo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay dalbadeen in mudo 15 Cisho gudahood lagu siidaayo Muqtaar Roobow.

 

صورة ذات صلة
Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al shabaab.

Dowlada Soomaaliya oo iyadu Muqtaar Roobow ka soo Xirtay Baydhabo xili uu halkaasi kawaday olole doorasho ee Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya kama hadlin in Muqtaar Roobow Maxkamad lasoo taagayo iyo la siidaynayo toona balse markii la soo xiray ayaa wasaarada Amniga Soomaaliya sheegtay in Muuqtaar uu ku guul daraystay in uu ka soo baxo shuruudo la hordhigay Sidaasna u xiranyahey.

Warqad Wasaarada Amniga Soomaaliya Soo saartay 13 December 2018 markii la soo xiray Muqtaar Roobow.

Xarigii Muqtaar Roobow waxaa ka dhashey dhibad baxyo rabshado watay oo ay sameynayeen qaar kamida bulashada ku dhaqan Baydhabo oo dalbanayay in la siidaayo Murasharax Muqtaar si uu sii wato ololohiisa kursiga ugu sareeya Koofur Galbeed,waxaana banaanbaxyadaas ku dhintay Tobaan ruux oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koofur Galbeed.

صورة ذات صلة

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.