QIIMEYN: Labo sanno ka dib maxaa ka fulay Balan-qaadyadii RW Kheyre ee loo sheegay Shacabka Soomaaliyeed?

March 29, 2017-kii, golaha shacabka BF ayaa ansixiyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isaga oo maalinkaas qeybiyey buug ka kooban 9 qodob, si barnaamijkaas loo fuliyo waxay allifeen tubo illaa 4 ah: tubta siyaasadda loo dhan yahay, tubta amniga iyo caddaaladda, tubta dhaqaalaha iyo kobcinta maalka iyo tubta horumarinta arrimaha bulshada, waxaa laga sii dhex saaray illaa 285 halbeeg oo mid waliba shaqo wadato, si isla xisaabtanka, qiimeynta iyo tijaabada fashilkeeda aan Kheyrre loogu raacan, waxaa uu qorshaha u qeybiyey 26 wasaaradood, 9 hey’adood, 4 ciidanka amniga ah, 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska ra’iisul-wasaaraha!

Mar ra’iisul-wasaare Xasan la weyddiiyay wax qabadka xukuumadda nabad iyo nolol waxaa uu tilmaamay dhismaha xafiiska ra’iisul-wasaaraha, dejinta tubaha, diiwaan-gelinta ciidanka xoogga, curinta sharciyo, dib u habeynta dakhli aruurinta oo ay wasaaradda maaliyadda kaliya sameyso dakhli qabashada, dowladda dhexe gobolka Banaadir oo kaliya ayay canshuurta ka aruurisa.

Haddaba, 2 sano kaddib, Goobjoog News waxaa ay imtixaameysaa bal inuu fulay barnaamijkii xukuumadda nabad iyo nolol  iyo in kale, innaga oo inta ugu muhiimsan dul istaagi-doonna.

Gurmadka Abaaraha:

Abaarta waa dhibaato joogta ah, abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku yihiin jiritaanka deegaanka, duunyada iyo nolosha, sannadkan 2019-ka waxaa ay nafaqo darro soo wejihi-doontaa 1.2m, barakaca waa 2.6m, oo gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin 1.5m, cunto-yariyada waa 4.9m.

Wasaaradda gargaarka tan iyo markii la dhisay ma sal-dhigan oo waxaa ka jirtay fowdo xagga maamulka ah, Dr. Maryan Qaasim ayaa ka tagtay iyada oo 7 bil joogta, qoraal barteeda Tweeterka ay soo dhigtey 15-ka November 2017, waxaa ay ku sheegtay “duruufo aniga khaas ii ah”, laakiin  Dr. Maryan oo  wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa tiri “department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay isbarbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn madax wareer badan ayaa laga qaadayaa”.

Muddadaas kaddib 7 bil wasaaradda waxaa ay ahayd wasiir la’aan,  waxaa la eedeeyey Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda, waxaa kale oo xabsiga la dhigay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan. Waxaa kale oo ay xukuumadda ku guul-darreysatay dejinta qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto  abaaraha  soo laalaabanaya, isla-markaana loo yareeyo nuglaashaha shacabka si looga hortago waxyeellada abaarta.

Caddaaladda:

Barnaamijka Xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ku jiray inay ka go’an tahay soo-af-jarka dulmiga iyo tacaddiyada iyada oo ballanqaadday dhismaha nidaamka garsoorka, 2 sano kaddib dastuurkii waa qabyo, 6-da xubin ee dowlad goboleedyada lama meelmarin, weli lama dhisin  golaha adeegga garsoorka, maxkamaddii dastuuriga ahayd oo baahi weyn loo qabo, meel laguma sheego sharcigii la-dagaallanka musuqa iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhimman si loo helo adeeg caddaalad ah oo xor ah iyo baahinta adeegga  hay’adaha garsoorka.

Banaadir 3 degmo ayaan lahayn maxkamad, Shabeellada dhexe Jowhar marka laga reebo waa maxkamad la’aan, tusaale ahaan Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado lahaa aanay hadda lahayn, Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, Hiiraanna Buulo-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Galmudug waa dowlad goboleed aan lahayn nidaam caddaalad, Jubbaland Kismaayo marka laga reebo wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo.

Amniga:

May 11, 2017, xukuumadda Khayre waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay  in dowladda ay hawl-gelisay 1500 oo askari. Isla bishaas shir London ka dhacay waxaa la ogolaaday 22,000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah. Ciidamada hore sannad iyo bar kaddib waa la kala diray kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen dhacdooyin amni daro oo soo noqnoqday.

2017: In ka badan 1,700 ayaa Muqdisho keliya ku dhimatay, meelaha toos loo weeraray waxaa ku jiray: Hotel Dayax,  Baar Italiano , Pizza House iyo Posh, Kaawo-godey, Warshaddii Nacnaca, Golaha Murtida & Maddadaalada, Kulliyadda Jaalle Siyaad, xarunta degmada Wadajir, wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga, Saldhigga Waaberi, xabsiga dhexe ee Xamar, Zoobe, Naasa Hablood 2  iyo xarunta tababarka ee General Kaahiye.

2018: 200 wax ka yar oo hoos u dhac ah ayaa jirtay tirada dilalka sannadkii ka horreeyey, qaraxyada waaweyn waxay noqdeen 13 halka 2017 ay ahaayeen 24 qarax, meelaha ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah KM0, albaabka madaxtooyada, hotelka Weheliye, Isgoyska Sayidka, Wasaaraddaha Amniga & Arrimaha gudaha, Somali cafe, Xarunta Degmada Hawlwadaag, xarunta degmada Hodan, hotel Saxafi iyo Kaawo-godey.

2019: Tan iyo horraantii sannadkan waxaa Muqdisho keliya lagu dilay in ka badan 563 qof, waxaana soo batay qaraxa dhajiska ah, meelaha qaraxyo toos ah ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Daljirka Dahsoon, Makah Almukaramah, Mogadishu Mall iyo gobolka Banaadir, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha,  xaawo taako, Golaha Murtida & Maddadaalada, dugsiga sare ee booliska, iyo  Isgoyska Jubba.

Intaasi oo khasaaro ah waxaa ay Muqdisho ka dhaceen iyada oo ay magaalada gudaheeda joogaan: 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah.

Intii ay joogtay xukuumadda Kheyrre ama  2-badii sano, waxaa tagtay 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka(  General Maxamed Aadan Axmed (Buud),  Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid,  S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. Waxaa kale oo ka tagay ama la ceyriyey 22 wasiir, oo uu ugu dambeeyey wasiirka warfaafinta Daahir Geelle.

Dhaqaalaha:

Buug uu Kheyrre xildhibaannada u qeybiyey waxaa ku jiray himilada xukuumadda oo ah dabargoynta saboolnimada iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tacliinta caafimaadka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka sida: Xoojinta canshuura .Dib-u-hanashada hantida dalka. Dib –u-soo-nooleynta Shilinka Soomaaliga.

Wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah kuwa ugu shaqada badan xukuumadda Kheyrre waxay xoogga saartay deyn cafinta, iyo aruurinta dhaqliga gudaha, walow marar badan xoog ay soo saartay ay shaki abuurtay, bangiga dhexe  ma soo saaro lacag, ma hubiyo negaanshaha ascaarta ama negaanshaha heerka sarrifka,  canshuur kama qaadaan shirkadaha Telefoonnada, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka ah.

Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo wasiirkiisa maaliyadda ayaa sheegay in ay xilka la wareegeen qasnadda dowladda oo maran, laakiin wasiirkii maaliyadda Maxamed  Aden Fargeeti oo  la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnadda dowladda ku jirtay”, waxaa kale uu Fargeeti beeniyey magta deynta 100m ee Kheyrre sheegay isaga oo Goobjoog News u xaqiiyey iney 54m oo deyn ah ka tageen, waxaase uu raaciyay in ay jirtay lacag deyn ah oo aan la hubin oo baaris ku socotay.

Marka loo noqdo miisaaniyadda sanad la ah ee xukuummadda qorsheynta bixinta deynta gudaha ama gashbaxa waa sida tan:- 2017 (7.8 milyan), 2018 (1.5 milyan), 2019 (1.5 milyan).

Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre iyo xukuumaddiisa waxay ku faaneen koboca dhaqaalaha ee dalka, waxaase xusid mudan in labadii sano ee la soo dhaafay uu kobaca ka hooseeyey 2016-kii oo sannadkaan waxaa uu GDP ahaa 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1)!

Deyn Cafinta waxaa hay’adda lacagta adduunka IMF soo celiyey oo la galay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska.

Dhanka canshuuraha, Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah..

Inkasta oo ra’iisul wasaare Kheyrre sheegay in wax mushaar ah aan lagu lahayn haddana madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin mushaaraadka ciidanka, waxaa intaas dheer tiro intaas la’eg ayey lacagtii mushaarka ahayd ka maqan tahay shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dowladda oo ay ku jiraan kuwa xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

La-dagaallanka Musuqa: Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa dalalka musuqa adduunka,  Inkasta oo xukuumadda Kheyrre ay sheegto la dirirka musuqa haddana baaris ay sameeyeen guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa lagu ogaaday in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka ah, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey iyo lacag curraar ah dhan $3 Malyan ah oo  si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinta  loo adeegsday, waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey,  waxaa sidoo kale aan jirin sharciyada hanti-dhowrka, xisaabiyaha guud iyo hey’adda la-dagaallanka musuqa.

Sida uu sheegay Senator Faroole lacago ay dowladda ku bixisay beddeliddii maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland haddana ay ku bixineyso Jubbaland, iyadoo horay ay u jirtay eedeymo ay dadweynaha sida iney jiraan lacago lagu bixiyey ridistii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo biilal lagu bixiyo dad kataageera dowladda baraha bulshada.

QOF IYO COD 2020: Himilada Xukuumadda; Hirgelinta hannaanka doorashada ee qof iyo cod sannadka 2020 si loo gaaro dimuquraaddiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda doorasho ee shacabka Soomaaliyeed.

2 sano kaddib, lama dhammeystirin Dib u eegista dastuurka, oo lagu ogaan lahaa nooca Doorashada madaxweynaha ama mid baarlamaani ah mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xudduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta shuruucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran.

2 sano kaddib, lama haayo sharciga doorashooyinka, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta, Sharciga muwaaddinka, , sharciga xudduudaha iyo Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaallanka Musuqa, waxaa kale oo dhibaato ka jirtaa shaqaalaha doorashada, amniga iyo rabitaan siyaasadeed.

DOWLAD WANAAGGA: Himilada Xukuumadda; Gaaridda dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, taasina lama tijaabin.

DIB-U-HESHIISIIN: Himilada Xukuumadda; soo afjaridda colaadaha, xukuumadda nabad iyo nolol waxay ay qabatay shir dib-u heshiisiin kaa oo aan weli la soo bandhigin mira dhalkiisa, weli waxaa socda dagaallo sokeeye, dowladda waxaa lagu dhaliilaa iney la dagaashay dowlad goboleedyadii.

Ugu dambeyntii, sida ay sheegtay xogta waxaa jira fashil dhanka fulinta barnaamijka xukuumadda nabad iyo nolo labadii sano ee la soo dhaafay, hadiise aan la helin heshiis dhex mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa labada sano ee harsan “Dhado Roob Noqon weyday”!

XIGASHO: GOOBJOOG

1 Comment

  1. Waxas oo dhan waa ok farmaajo iyo khere waxay .ahayd inay .ashabaab ka .jooga deganada hawiyaha degaan. Duqeeyaan. Waayo iyagoo ciidana. Bay magaalo tuulo gobal joogaan. Oo.kasoo abaabulaan dhibatada. Cidan badan wax matrto .oo markaynka ethiopia ugandha. Yurub kiinya doqeeyaan. Oo Aan ladha dhagaysan kuwa hawiyaha. Siyasigooda. Doqonka. Odoygooda yirahda. Shacab aa laxasuuqay. Oo.beena. oo kuli wada qarinaya ashabaab. Oo xataa sheekh shariif wuxuu yiri dekeda canshuur bay kaqataan yaab. Way is yaqaanaan. Farmaajo iyo.khere tariikhda. Kaliya ee ay raja dooda tahay waa tirtirid ashaab hadii kale. Marba garoowe iyo waxaan hadal fiicnaa waxba ma shegay so iyo waan lahadli ashaab. Intay joogaan dawlad hasuguna. Hawiyana hoosta ay kuhaystaan. Hadii ltituro. Somali rajadisa. Waa macquul hadii kale. Mesha xisbiyada hawiyaha iyo kuwii madaxweynaha soo noqday. Ha iskaga ciyaran. Maamulgeldada inta hawiyaha ashabaab qarsanyaan. Walee dawlad idin ma shaqayso. Wax badan diyarad waad racaysaan. Oo safarada abaa idiin talin. Marba meel. Maamulgobeleed sida puntland. Muqdsho iyo hargaysa dawlad marabaan puntland wax raba majiraan. Waxay yirahdaan federaalka. Hoiyada federaalka. Laskiin. Muqdsho. Iyo hirshabeele waxa jooga ashaa. Hargaysa waxa jooga ashaab yoo cada usoo socda garoowe iyo sanaag laakin kuwa garoowe soo xukumay iyi kuwa hada xukuma. Caqli majiro
    Aan ahayn faan iyo cadmad. Iyi inta degankiisa difaaci wayeen. Federalaka iyo madaxweneha raysalwasaaraha. Shaqadooda noqotay waxaan hubaa haday saas kusii socoto puntland oo.noqotay xaflado. Laqabsaday. Madaxwyne puntland. Laascaano badhan hayland lasqoray buuhoodle taleex. Matagi karaan. Asad diyaana waa lahubaa inuu tagi lahaa. Laakiin waxa ladoortay. Kuwa aan umuuqan. Asad diyaana. Somaliand doorashada maysan seexan. Baqdin waxay yirahdeen hadii asad. Madaxwyne noqdo waxay rabeen Inay kabaxaan sool. Waxay yirahdeen wuxuu helayaa dhalinyro badan oo cidanka puntlanda.dhaqaalaha puntland wuxuu galin ayaa ciidanka. Argagax baa kudhacay somaliland. Laaskin waxa ladoortay. Kuwa garoowe iyo shirka kufiican. .

Leave a Reply

Your email address will not be published.