Sarkaal Kenyan Ah Oo Sheegay Mudada Ay Sii Soconeyso Xanibaadda Dulimaadyadii Tooska Uga imaan Jiray Somaliya

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in sababo amni ay u joojisay diyaaradaha rakaabka ee ka baxay garoonka Aden Cadde oo si toos ah uga caga dhiganayay magaalada Nairobi.

Diyaaradaha rakaabka ayaa hada mari doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer si loo baaro ka hor inta aysan u duulin magaalada Nairobi.

Wasaarada Amniga gudaha Kenya ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin xanibaada duulimaadka tooska ahaa ee Jimcihii shalay dhaqan Galay.

Balse agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya CaptainGilbert Kibe ayaa tilmaamay in arintaan ay la xiriirto sababo Amni.

Wuxuu sheegay in xanibaadan ay socon doonto illaa 9 August xiligaas oo dib u eegis lagu sameyn doono in xanibaada la qaadayo iyo Inkale.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in arintaan aysan la xiriirin sababo amni balse ay tahay mid siyaasadi ay ka Danbeyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.