Sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde, ma jirto sabab Kenya Amaanka Mar-marsiyo ugu dhigtaan.

Dowladda Kenya ayaa 9kii Bishan ku dhawaaqday in ay joojisay duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Kenya waxaa ay arrintan ku sababeysay cabsi dhinaca amaanka ah oo ay ka qabto Garoonka Aadan Cadde,waxaana diyaaradihii loo wareejiyay Wajeer halkaas oo ay 2 saacadood oo baaritaan ah ku marayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka Kenya ku tilmaantay mid siyaasadi ka dambeyso oo aysan sax ahayn sheekada amniga la xiriirta, amniga Garoonka Aadan Caddena suganyahay.

Hadda sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde?

  • Marka hore waxaad mareysaa baaritaan gacanta ah oo ay sameynayaan Boolis Soomaali ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaanAMISOM oo isna gacanta iyo jirka ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan AMISOM oo qalabka qaraxyada ka hor taga iyo iskaan ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan Booliska Soomaaliya, AMISOM iyo Eeyo,markan waxaa la baarayaa Boorsooyinka .
  • Waxaa ugu dambeeya baaritaan ay sameynayaa Askarta ka socota Turkiga,waxaa ay baarayaan Boorsooyinka, iyaga oo adeegsanaya

Waa qaabka uu maro baaritaanka dadka iyo agabka ay wataan ee sida joogta ah uga baxa Magaalada Muqdisho,waxaa intaas  dheer in duullimaadyada ka dhoofa Aadan Cadde aysan ahayn kaliya Diyaaradah taga Kenya waxaase jira Diyaaradaha Ethiopian Airline oo toos Adis ababa u tagta.

Waxaa kale oo jira Turkish Airline oo sidoo kale toos u aadda dalka Turkiga,waxaa ku soo xiga diyaaradda Qatar Airways oo dhawaan duullimaadyo toos oo Dooxa iyo Muqdisho bilaabeysa kuwaas oo noqonaya todobaadkii saddex maalin.

Haddaba waa maxay Kenya waxaa ay ka baqeyso ee aysan ka baqeyn Qadar, Itoobiya iyo Turmiga?.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.