VIDEO: Xildhibaan Dhakool oo Weli Kujira Xabsiga Hargaysa iyo Cabsi Soo Wajahdey Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Reer Sool.

GAROOWE (PUNTLANDTIMES)-Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa weli ku xiran xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool.

Xildhibaanka oo ka hor xarigiisa aan xasaanada laga qaadin ayaa loo xiray sababo la xiriira in Maalinta 18-ka Bisha May aysan aheyn Maalin Qaran,balse ay tahay Maalin ay leeyihiin Ururka SNM.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Saacadaha soo socda ay macquul tahay in Xildhibaan Dhakool loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dambi-baarista ee Soomaaliland,sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO  warka xariga

Tallaabadaan ayaa siyaasiyiinta deegaamada maamulkaasi ku sheegeen inay tahay mid uu madaxweyne Muuse Biixi ku caburinayo dadka isla markaana waxa ay cabsi ku abuurtay cidkasta oo doonaysay inay u hadasho afka gobolada Bariga.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO WARARKAAS

1 Comment

  1. waxan Rumeysnahay Xukunka ama Mamulka Col.Muuse Biixi madaxweynaha somaliland in uu yahay nin wax xukumi kara somalida waxa utalinkara sida muuse bixi oo kale,

Leave a Reply

Your email address will not be published.