Dagaal culus oo ka dhex bilowday Puntland & Somaliland.

BADHAN(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada lagu magacaabo Damalo-Xagare oo katirsan gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka socdo deegaankaas, kaas oo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalka ayaa bilowday, markii ay ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen wasiirka Waxbarashada Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo kusugnaa deegaankaas maantana gaaray si ay kormeer ugu sameeyaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya dagaalka ayaa sheegaya in ay Somaliland gaadiid badan oo dagaal ku weerartay deegaankaas, isla markaasna ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraad ah o lahayo.

DEG DEG+FAAHFAAHIN: Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaalo dhexmaray Puntland & Somaliland iyo Wasiiro.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.