Gudoomiyihii hore G. Sool ee Puntland oo xabsiga Laascaanood la dhigay.

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in caawa Xabsiga loo taxaabay gudoomiyihii hore ee gobalka Sool, Puntland Abukar Cabdi Geelle, oo maanta Warbaahinta ka hadlay.

Ciidamada Amniga ayaa xiray Mr, Geelle, isagoo maanta ka hadlay oo cambaareeyey Xarig Hargeysa loogu geystay mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ee Somaliland.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa laga soo xigtay in ay ku qabteen gudoomiyihii hore amar ka soo baxay taliska ciidamada booliska ee Somaliland.

Sidaas oo kale waxaa la baadigoobayaa qaar kamid ah Dhalinyarro maanta hadalo ka soo horjeeda xuska Somaliland ka sheegay gudaha magaalada Laascaanood.

Ciidamo badan ayaa lasoo dhigay gudaha magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.