Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho & Madaxtooyada oo Ammaankeeda la adkeeyey.

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax weyn oo u muuqday mid laga soo buuxiyey baabuur lagu qarxiyey xarunta degmada Wardhiigley ee ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa hadda khasaare kala duwan ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay, Rasaas ayaana wali la maqlayaa, taas oo aan la aqoon in ay tahay mid ka socota xarunta iyo mid ay ridayaan ciidamada Ammaanka.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray, dhimasho iyo dhaawacna waa jiraan sidda ay wararku sheegayaan, inkastoo aan lahaynin tiradda rasmiga ah.

Ma jirto faahfaahin ilaa hadda ka soo baxday maamulka gobalka Banaadir iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,wuxuu ku soo beegmayaa xili Banaanbaxyo ay ka socdeen magaalada oo ay Ardaydu ka cabanayeen talaabadi ay qaaday dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.