WARBIXIN: Sidee u dhismayaa Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed?

Hindise sharciyeedka saxaafaddu waxa uu kamid yahay xeerarka ugu waqtiga dheer hayeeshee aan weli saldhigan, waxa uu soo billowday mashruuca xeerkani sanadkii 2007, hadda waxa uu kamid yahay hindise-sharciyeedyada horyaal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga oo ay tahay in uu maro hannaanka aqrisyada, doodaha iyo ansixinta.

Xildhibaan Khaalid Macow guddoomiyaha guddiga saxaafadda iyo ururada warbaahintu dhowr mar ayay kawada doodeen xeerkan iyo habka ugu fiican ee uu u tegi kara heerka Baarlamaanka iyada oo Ururada warbaahinta iyo dhammaan dhinacyada uu quseeyo ay isku waafaqsan yihiin in xeerka saxaafaddu u adeegayo horumarinta iyo dhowridda Saxaafadda.

Haddaba waxa jirta welina taagan  dood muddo dheer oo salka kuhaysa sida uu u dhismayo Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (Somalia Media Commission), oo lagu dhisayo xeerka saxaafadda?

Qodobka 14aad ee xeerka saxaafadda Soomaaliya oo uu meelmariyey Baarlamaankii 9aad waxa uu qabay in qaabdhismeedka  Guddiga Warbaahinta Soomaaliyeed uu noqdo sidan:

Qodobka 14aad Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed

14.1- Waxaa lagu dhisay Xeerkan Guddi Madax-bannaan oo aqoon u leh saxaafadda iyo shuruucda dalka u yaal.

  1. Ttirada Guddigu waxay noqonaysaa 09 (Sagaal) Xubnood oo ka kala imaanaya: B) Warbaahinta Dawladda, 3 xubnood; T) Warbaahinta gaarka ah  3 xubnood; iyo J) Ururrada bulshada rayidka ah …….. 3 xubnood oo ka kala imaanaya: Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Qareennada Soomaaliyeed. 2.
  2. Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest)

14.2- Magaca Guddiga waxa uu noqonayaa ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS)’, waxaana lagu soo magacaabayaa sida soo socota:-waxaa golaha wasiirada u soo jeedinaya wasiirka wasaardda warfaafinta, kadib markii goluhu ansixiyana waxaa dikreeto ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah.

Xilka qaadista guddigan waxaa loo marayaa qaabkii lagu soo magacaabey.

14.3- Guddiga ayaa noqonaya mid u madax-bannaan hawlaha fulintiisa loo igmaday, waxaana uu dhowrayaa sharciga oo keliya.

14.4-Guddiga waqtigiisu wuxuu noqonayaa 2 sano oo loo cusbooneysiin karo haddii loo baahdo.

14.5-Xubin kasta oo guddiga ka mid ah waxay xilkeeda ku waayeeysaa sida soo socota:- B- Geeri ama arrin kasta oo si lama fillaan ah ugu timaadda xubinta keentana iney xilkeeda gudan weydo; T- Xilka oo xubintu iska casisho; J- Waqtiga xilka oo ka dhammaada; iyo X- Xukun Maxkamdeed oo ku dhaca xubin kasta oo guddiga ka mid ah. 14.6- Soo buuxinta booska bannaanaada waxaa loo marayaa sidii markii hore lagu soo xulay.

Qodobkaas waxa kataagnayd dood weyn hayeeshee hadda sida muuqata qodobkaasi si kale ayaa loo rogay iyada oo ay suuragal tahay in aan warbaahinta madaxa bannaan wax badan ka ogeyn, soo jeedinta cusub ee qodobka 14aad ee xeerka saxaafadda oo kusaabsan dhismaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa u dhigan sidan:-

Qodobka 14aad :Guddiga Warbaahinta Soomaaliyeed

14.1- Xeerkan waxaa lagu dhisay guddi madaxbanaan, oo lagu magacaabo Guddiga Warbaahinta Soomaaliyeed (Somalia Media Commission).

14.2- Guddiga Warbaahinta Soomaliyeed waxaa xubin ka noqon kara aqoonyahan iyo xeeldheereyaal lagu xulay waayo-aragnimo, karti, daacadnimo iyo hufnaan.

14.3- Guddiga Warbaahinta Soomaliyeed wuxuu noqonayaa 9 (Sagaal Xubnood) oo ka kala imaanaya:-

  1. B) 2 xubnood oo laga soo magacaabayo Wasaaradda Warfaafinta.
  2. T) 7 xubnood, oo hal xubin maamul goboleedkiiba soo magacaabo. Iyo Gobolka Banaadir

14.4- Guddiga Qaran ee Warbaahintu, si uu xilkiisa u guto, wuxuu ka madaxbanaan yahay:-

  1. B) Siyaasad iyo faro-gelin dawladeed.
  2. T) Danaha hey’adaha iyo kooxaha gaarka
  3. J) Danaha isdiiddan (Conflict of interests) ee qofka xubinta ka noqonaya iyo shaqada Guddigan.

14.5- Dhismaha Guddiga Warbahinta Soomaaliyeed waxaa loo marayaa wada-tashi.

Waa maxay dhibaatada Jirta?

Haddii ay dhacdo in 9-ka xubnood ee Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed ay kuyimaadaan sida ay qabto soo jeedinta cusub ee farqadda 14.3 waxa ay kadhigan tahay in dhammaan xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed ay dowladdu soo magacaabeyso! Taasina waxa ay kasoo horjeeddaa ama kahor imaaneysaa soo jeedinta cusub ee farqadda 14.4 oo qabta sidan

14.4- Guddiga Qaran ee Warbaahintu, si uu xilkiisa u guto, wuxuu ka madaxbanaan yahay:-

  1. B) Siyaasad iyo faro-gelin dawladeed.
  2. T) Danaha hey’adaha iyo kooxaha gaarka

Haddaba aniga oo xushmeyna guddiga saxaafadda ee golaha shacabka ogna dadaalka iyo dulqaadka guddoomiyaha guddiga Prof: Xil. Khaalid Macow waxa aan soo jeediniyaa

  1. In inta xeerku uusan gelin aqrinta iyo doodaha Baarlamaanka in guddigu arko cilladda dhinaca qaanuunka ah ee xeerka haysata si gaar ahaaneed isburinta qodobka 14aad
  2. In guddigu u ogolaada daneeyeyaasha xeerkan sida Ururada Warbaahinta, Xarumaha saxaafadda, Bulshada rayidka iyo Hay’adaha qareenada iyo xuquuq aadanaha fursad kamadambeys ah oo ay si buuxda uga doodaan xeerkan iyo wax kabeddelkiisa.
  3. Hadii ay suuragal tahay in xeerkani yeesho dhegeysi dadweyne, si ugu yaraan ay u soo dhammaadaan doodaha iyo jiitanka dheer ee xeerkan.

WQ: Axmed C. Guutaale

Dersa Sharciga, Qaanuunka & Warbaahinta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.