WARBIXIN: Somaliland ma waxay wajahaysaa marxalad kaligii Talis, Mise Isbedelada G. Geeska Afrika ayaa kusoo wajahan?

HARGEYSA(P-TIMES) – Somaliland ayaa u dabaal-dagaysa todobaadkan 18-ka May oo ah markii ay dadka deegaanadaas ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya, ka dib dagaal adag oo dhexmaray maleeshiyad u dhashay deegaanadaas iyo ciidamadii dawladdii Milateriga ahayd ee uu hogaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Dabaal-daga maalinta 18-ka May ayaa ku soo beegmay xiligan waqti xasaasi ah oo ay gudaha Somaliland ka jiraan arrimo waa weyn oo saameyn ku leh arrimaha Masiiriga ah ee ay u soo halgamayaan bulshada deegaanadaas.

Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi ayaa kamid ahaa Hoggaamiyaashii Jamhadii SNM ee ciidamadii Milateriga kala wareegtay talada deegaanadaas, balse caqabado aan sahlaneyn ayuu wajahayaa waqtigan.

Shacabka Somaliland, waxay u arkaan marxalad adag in ay ku jiraan waqtigan, waxay u bixiyeen magacyo kala duwan oo ay ugu caansan tahay waqtigii Handaraabka oo ay ula-jeedaan in dhinac kasta laga soo xiray.

Cadaadiska bulshada lagu hayo ka sokow, Xukuumaddu waxay la kufaa-kacaysaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin dagaalada qabaliga ah oo saameyn fog ku reebay deegaanadaas, gobalada Bariga iyo Galbeedka oo maamulka Hargeysa looga arko mid beesha dhexe ay awoodeeda leedahay.

Xuskan waxaa kaloo uu ku soo beegmayaa xili gobalka Geeska Afrika oo dhan uu ka socdo Isbedel aan wali saldhigan, kaas oo aan la aqoonin Jihada uu la aadi doono Somaliland, dhawaan-na waxaa dhacday in Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku dayeen in ay wadajir uga soo dagaan magaalada Hargeysa.

Xabsiyada ayaa la dhigay dad badan oo taageero u muujiyey dawladda Faderaalka Soomaaliya, Xildhibaan maalinta 18-ka May ku sheegay maalin ay leeyihiin qaar kamid ah bulshada Somaliland ayaa Xabsiga ku jira isagoo aan laga qaadin Xasaanadda ayaa la horgeeyey Garsoorka, laakiin Maxkamadaha ayaa diiday in ay dacwadiisa qaadaan, taasina waa dhiilo kale oo sharciga xagisa ka taagan.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu wajahayaa tan iyo qabashadiisii xilka caqabado waa weyn oo is barkan, mana muuqato talaabooyin uu u qaadayo sidii uu cadaadiska xooga badan iskaga dajin lahaa, marka la eego hab dhaqanka Xukuumadda iyo laamaha Ammaanka.

Xisbiyada Mucaaradku waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay uga hortagayaan in la baajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo Guurtida oo waqtigoodu dhamaaday, Xukuumadduna doonayso in ay doorashadas qabtaan Guddigii horey tan Madaxweynaha u qabtay.

Xisbiga Wadani oo ah midka kaliya ee sida adag uga soo horjeeda Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa rumeysan in talaabo kasta oo doorashada dhankeda loo qaado, ayna qeyb ka yihiin Guddigii hore ay ka dhigan tahay faragalin Shisheeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.