Wariye Mowlid H Abdi Oo Maqaal Ka Qoray Shirkii Fashilmay Ee Garoowe ” Siyaasiinta Somalida Ma Og Yihiin Eedda Ay Leeyihiin”

Laba sano ka hor maanta oo kale waa 2 bil ka dib doorashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo magaalada London waxaa ka furmay shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayey oo dawlada Britain abaabulkiisa laheyd.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaa lagu sheegay ajandaha sidii Soomaaliya loo kaalmeyn lahaa looguna taageeri lahaa in “Soomaalidu ka shaqeeyaan si dhab ah in dalkoodu cagihiisa ku istaago”. Taas waxaa loola jeeday in “Waa dhaliil dhafoorkey ku taal’e” madaxda Soomaalidu heshiiyaan oo danta dalkooda ka wadashaqeeyaan iyadoo lagu wadashaqeynayo siyaasad loo dhan yahay, awood qaybsi siyaasadeed, dhaqaale & mid ciidan.

Waxaa shirka ka muuqday inkastoo ay aheyd isfeer orod “xal la biday” rag Soomaaliyeed oo ugu yaraan 5 ah nin kastaa wata magaca Madaxweyne.

Qodobaddii maalinkaas shirka sida weyn loogu faaqiday waxaa ka mid ahaa dhismaha ciidan qaran oo 18 kun ka kooban oo lix kunba ka socota maamul goboleedyada, la isku daro lagana dhigo ciidan qaran oo Soomaaliyeed.

Dhammaan qodobaddaas laba sano ka dib iyadoo mugdi ku jiro qabsoomida doorashooyinka 2020/21 iskaba daa fulinta kuwii kale ayaa Garoowe maanta waxaa ku soo ildaalay “fashil” shirkii hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Marka laga tago ereyada xanafta leh iyo iseedeynta la isku eedeynayo natiijo la’aanta shirka waxaan dood ka jirin in sababaha ugu weyn ee la isku mari waayey ay ugu wacan tahay “damac siyaasadeed, sadbursi, taydu ha socoto, dan shakhsi” oo dhamaantood ku biyo shubanaya doorashooyinka Galmudug, Puntland iyo Dawlada dhexe.

Shacabku uma baahna jagwareerin iyo indho sarcaadid wax kasta waxay u muuqdaan sida cadceed cirka bartankiisa ka muuqata.

Waxaan shaki ku jirin in madaxda Soomaalida ha ahaadaan dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada ay ku horkufeen ummadda Soomaaliyeed iyagoo garan waayey inay u tanaasulaan dalkan iyo dadkan ay isugu darsameen darxumada dagaal iyo khilaafka siyaasadeed.

Haddaba eedda ay leeyihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed ma ogyihiin mise bilaa macno ayaa faraha loogu fiiqayaa?

Su’aashaas inta aan u gudbin bal sheekadan kooban ila dhuux.

Hadda ka hor waxaa jiray nin waalan oo diidi jiray in uu waallan yahay balse maalin kasta markuu dariiqa marayo ciyaalku dhagax ka daba qaataan iyagoo ku qayllinaya “Wuu waallan yahay wuu waallan yahay” “ninka waalan”. Haddii uu damco in uu ciyaalka dhagaxooda ka gambado oo uu dadka waa weyn u yimaadana waxaa lagu yiraahdaa “waa ninkii waalnaa, naga daaya warkiisa iyo waa kii waalnnaa”.

Maalinkii dambe ayuu soo istaagay geed ay dad badan harsanayeen isagoo xaggiisa la soo wada eegayo ayuu yiri “Inaan waallan waxaan ku ogaaday waxa dadka oo dhan farta iiggu soo fiiqayaan”.

Taasina waxay ka dhigan tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed haddii aanay eedda laheyn yaa kaloo faraha lagu fiiqi lahaa?

Madaxda Soomaalida ee Garoowe inta fadhiyeen 8-da maalmood oo haddana iyagoo ku heshiiyey inaanay heshiin ku kala kacay talow aduunka meelaha dagaaladu ka dhaceen sida loo xaliyey may cilmi kororsi u aadaan?

Bal u fiirso dalka Bosnia oo ka mid ahaa Yugoslavia-dii hore waxaa ku dagaalay oo colaad mindhiciro goys ah oo aan Soomaaliya ka dhicin uu dhexmaray dadka wadankaas ee kala cirqiga iyo diinta duwan waana Muslimiinta, Seerbiyiinta iyo Korooshiinta.

Hal magaalo oo ah Srebrenica bishii July 1995 xasuuq ka dhacay waxaa lagu laayey 8 kun oo badankoodu ahaa rag ay ka mid aheeyeen wiilal yar yar.
Dagaaladii ka dhacay Bosnia waxaa laga gaaray xal siyaasadeed iyo mid bulsho oo ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin ay ka go’neyd nabad iyo horumar lagu badalo colaadda iyo nacaybka.
Haddii ay heshiiyiin waayeen madaxda Soomaalida macnuhu sow ma ahan in ku sii socon doonno jidkii qodxaha badnaa ee aynu markhaatiga ka aheyn ee shisheeyuhu u kala dabqaadi jireen Soomaalida?

Waad ku mahadsantahay akhrinta qormada.

Qalinka qoraa sare: Mowliid Xaaji Cabdi.

3 Comments

  1. Mawliidoow adigu ma is ogtahay dhibka aad qoraalo badan oo qortay ku samaynaya, weliba tahay Adiga Mowliid xavi ah, Xasan Cadde iyo Cawil Daahir oo hada dhintay ilaahay ha u naxariisto, waxaa aaminsanayd nidaamkii maxkamaddaha we shabaabka dhalay, hadana qoraalkaagan waxaad ku sheegtay in Galmudug, Jubbaland iyo Puntland doorasho kusoo socoto, waa marin habaabin bareer ah.
    Ogow soomaaliya waa federal dawladda dhexe go’aan gaar ah ma qaadan karo.
    Ama jeclow Federal ama necbow waa nidaam Soomaali ku heshiisay. You have to accept it.

  2. Aniga sida iimuqata dhibka ugu wen ee somaliya ka tagan waxa ugu ween 2 Arimod midka 1aad wa R/wasarha Xukumada Fadaral Diidka somaliya Xassan Cali khayre,oo si khaldan wax kuwada,hadan ninkas wax laga qaban wax heshinaya & wax horumar ah oo ka jiri kara Dawlada dhexe & maulgobaledka somalida ma dhici Donto,ninka madaxweynaha wadanka ka ah,wa nin liciif ah oo aan Awood lahan uu wadanka ku xasiliyo,Hadan uso labto Qodobka 2aad waxa weye ururka Ciyala suqa lo yaqan Alshabab oo wadanka ka wada Dagaal aan jogsanan oo dhaqalihi & nolasha wadanka nafeyey islamarkasna siyasada & bulshada ku dhex milmay.

  3. Aniga waxay ila tahay in Somaliland la aqoonsado oo ay iyadu arintana is howlgasho.

    Waxay ila tahay in dadkani u baahanyihiin in dad garta taqaana oo kala dhexgasha at helaan oo arinta dhexdhexaad is ah.

    Somaliland maanta taladoodu meelbay ka godaa’ waxay sameysteen diidana mida
    Taas ayeyna isfahankoodu ka bilowday

    Waxii lagu heshiiyeey hadaan is ixtiraamin oo aan lagu dhaqmanin
    Waligeedna lama heshiinayo

    Waxaan leeyahay madaxdan danahooga gaarka ah isku haya
    Waxii was ku heshiiseeen soo fuliya in teydaan shirin. Shirking hakabilaabmo

    Maxaa qabsoomay iyo maxaa inoo qabsoomi waayey?

    Waxaa keenay waxa qabsoomi waayey?

    Mahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.