Wasiirka Waxbarashada Somaliya Oo Ku Dhawaaqay In La Joojiyay Imtixaankii Dowlada Ay Qaadeysay

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay Imtixankii mideysnaa ee dowladda qaadeysay maalmihii u danbeeyay kadib markii la helay Su’aalihii lagu galayay Imtixaanka.

Wasiir Goodax waxa uu sidoo kale sheegay in la baabi’iyay Lixdii maado ee la galay saddexdii maalin ee u danbeysay, isagoo tilmaamay in 27-ka bishan ay dib u biloaabanayaan Imtixaanka guud oo dib loo galayo.

C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa qiray in hal meel oo kamid ah meelihii la geeyay Su’aalihii maadooyinka laga baxshay, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan waxyaabahaas nacfi laga raadiyo.

Si akstaba, Sabtidii, Axadii iyo Isniintii maanta waxaa baraha bulshada dhex wareegayay Su’aalaha maadooyinka la galayay, waxaana ardeyda u harsanaa oo kaliya maalmaha Talaadada iyo Arbacada oo min laba maado la gali lahaa, walow dowladda go’aankan arintaa ka qaadatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.