Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta fadhi ka leh Saddex hindise sharciyeed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda 16-aad ee kalfadhiga 5aad.

Sida ku cad farrinta ballaminta fadhiga Golaha ee xalay loo diray Xildhibaanada iyo Warbaahinta, waxa ay kaga hadlayaan Saddexdaan Ajende:

1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa.

2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka.

3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka.

Sharciga batroolka waxaa muran ka keenay Madaxda Maamul Goboleedyada, maanta hadii uu maro Aqrinta saddexaad waxa ay Xildhibaanada qaar sheegeen in cod la gelinayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.