XOG: Madaxweynaha Puntland oo kusii jeeda gobalka Mudug, Waase maxay Ujeedada Socdaalkiisa?

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warar ay heshay Puntlandtimes.com sheegayaan in uu ku sii jeedo gobalka Mudug, tan iyo markii uu xilkaas qabtay horaantii sannadkan waa booqashadii Koowad ee uu ku tagayo.

Madaxweynaha oo ay safarkiisan ku wehlin doonaan wasiiradda iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaas ayaa lafilayaa in uu todobaadkan dhamaadkiisa tago magaalada Gaalkacyo.

Siciid Deni ayaa booqan doona degmooyinka gobalka Mudug oo uu kula kulmi doono madaxda dhaqanka iyo bulshada oo ay ka wada hadli doonaan qorshayaasha hortabinta leh ee ay dawladdiisu qaban doonto shanta sanno ee nagu so aadan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa balan qaaday in uu si siman dhammaan adeegyada dawladda u gaarsiin doono gobalada oo dhan, waxaana Isha lagu hayaa sida ay Xukuumadda Deni u maamusho horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Waqtigii lagu jiray Ole-Olaha doorashada meelaha ugu badan ee mucaaradnimadu uga imaanaysay Musharaxnimadii Siciid Deni ayaa ahayd gobalka Mudug, oo inta badan ay gaartay dacaayado laga sameeyey hadalo uu ka jeediyey magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland.

Safarka Madaxweyne Deni ee gobalka Mudug, waxaa hareyn doona qadiyaddaha ku saabsan Kiiskii Caasho Ilyaas Aden oo ahayd gabar 12 sanno jir ahayd oo lagu dilay Gaalkacyo si fool xun, dhismaha dekeda Garacad iyo Mashaariic horumarineed oo uu ka dhagax-dhigi doono gobalka Mudug.

Wasiiro katirsan Xukuumadda oo ka soo jeeda gobalka Mudug ayaa ka hor safarka Madaxweynaha tagaya Gaalkacyo, iyagoo la kulmi doona odayaasha dhaqanka iyo bulshada, diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

2 Comments

  1. Sidii caadada u ahayd reer mudug carmey reer mudug lasoo shirtagaan sidaan oo kale…

    ” tolbeelay ma ina afdoqosh iyo ina afqurun iyo ina afsabeen miyaad madaxweene rabtaa in aad horteen ku toogatid… tolbeelay oo tol beelay””.

    Waxaan madaweyne Deeni kula talin in uusan faragalina oo cidana ugu aaba yeelin xukunka xaqa ah ee maxakamadu soo saartay.

    • Reer bari iyo reer mudug is booqday waa cajiib. Tolow see isu fahmi-doonaan. Markii deeni yiraahdo

      “” boowe iyo baayo ma barideen””

      Reer mudug waxay ugu jawaabin

      “” balo iyo baas ma jireene bog iyo baruur ma wadaa””

      Deeni’na intii uu riyaaqo ayuu oran

      “” boowe iyo baayo baabuur iyo basaas-badan baan inii wadaa””

      Bal yaa u kala turjumin qaruuntaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.