AKHRISO: Kenya & Somalia oo si xun iskugu bahdilaya Arrimaha Diblumaasiyadda & Cawad oo Tamashle u jooga Mareykanka

NAIROBI(P-TIMES)- Xariirka diblumaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya & Kenya ayaa sii xumaanaya, waxayna Kenya sameysay talaabo kasta oo ay qaadi kartay, waxay hadda wadaa qorshe cusub oo la xariira in ay xayiraad kusoo rogto shaqsiyaad muhiim ah oo katirsan dawladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha dibada ee Kenya waxay ciyaaraysaa talaabo kasta oo ay dalkeeda wax ugu soo dhicin karto, waxayna wajahaysaa qaraar kasta in ay go’aamiso.

Wasiiradda Arrimaha dibada ee Kenya waxay dhawaan daaha ka rogtay go`aamo dhamaantood khuseeya arrimaha siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya, waxayna si aan gabasho laheyn u sheegeen in aysan u baahneyn Soomaaliya.

Laakiin dawladda Soomaaliya jawaab aad u hooseysay ayay siiyeen Kenya, waxayna u muuqdeen kuwa calaacal diblumaasiyadeed ku wajahay qadiyada Kenya, waxay dhageysteen wararka sheegaya in ay Kenya doonayso wada hadal laga galo dacwada dhinaca badda ah ee taala ICJ.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad wuxuu hadda kusugan yahay Mareykanka, wuxuu u joogaa safar tamashle ah, isagoo kulamo iska dalxiis ah la qaadanaya dad kala duwan kuna sugan dalka mareykanka, gaar ahaana magaalada Soomaalidu u badan tahay.

Mr, Cawad wuxuu u muuqdaa nin aan waxba masuuliyad ah saarneyn, waxaana warbaahinta Puntlandtimes.com ay heshay sawirro iyo muuqaalo muujinaya wasiirka oo kulan iska dalxiis ah la qaadanaya gabdho Soomaaliyeed, kuna sugan dalka Mareykanka.

Jabkii ugu adkaa ee dawladda Soomaaliya hadda ka haysta arrimaha dibada, waxaana la rumeysan yahay in ay arrimaha taagan oo dhan yihiin kuwa halistoodu ay dib ugu soo laaban doonto Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya.

2 Comments

  1. Asc, waxaan la fajacay qormadaan lagu cambaareynayo
    masuul heer qaran oo waliba hogaamiye aqoon u leh xiriirka
    caalamiga( international relation), waxaan qabaa in tafatiraha Boggs
    uu raaligelin buuxda ka buxiyo dhaleeceyntan(character assisination)
    waayo waan akhrisanaa mareegtaan si xushmad leh, iyo qiimeyn
    wararka aan ka soo xigani. Waxaa la yiri dadcaay waa duuloobaa
    Arrintaa qirmadaa iyo sawirkaa laysku aadiyey masuuliyadeeda waxa
    qaadin qoraha iyo tafatiraha mareegtan. Waxaan ku talinayaa in dadka
    Soomaaliyeed wax wacan u soo tebisaan ama xumaha ka deysaan
    WBT.

Leave a Reply

Your email address will not be published.