AKHRISO: Midowga Afrika oo ka welwelsan Sharciga Doorashooyinka Somalia ee loo gudbiyey baarlamaanka, si deg deg ahna ula kulmay Guddoonka.

ADDIS ABABA(P-TIMES)- Saacado uun markii ay kulan gaar ah yeesheen gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayay wararku sheegayaan in ay Midowga Afrika gudbiyeen walaacooda ku aadan sharciga doorashooyinka oo hadda horyaala baarlamaanka Faderaalka.

Ergayga gaarka ah ee Midowga AFrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u sheegay guddoonka baarlamaanka in ay welwel ka qabaan arrimaha ku qoran sharciga Doorashooyinka, oo ay sheegeen in ay kala dhantaali karaan dadaalada loogu jiro dibu kabashada dalka.

Kulanka oo ay si gaar ah u yeesheen gudoomiyaha iyo wakiilka Midowga Afrika ayaa lagu soo qaaday, sidda muhiimka u tahay in la dardargaliyo howlaha doorashooyinka la xariira, balse loo baahan yahay in taxadar dheeraad ah laga sameeyo arrimaha qaarkood.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa Guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin Ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya, si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada.

“Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.