Al-shabaab oo 24 saac u qabtay Kenya . sidee wx u jiraan ?

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Afartan xubnood oo ka mid ah AL-shabaab ay ka gudbeen sohdinta Soomaaliya islamarkaana gudaha u galeen Dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ee NIS ayaa sheegtay Ragga ka tirsan AL-shabaab ay ku dhuumanayaan tuulada Lafeey oo hoostagta Mandheera.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay muddo 24 saac ah u qabteen Ciidanka Kenya ee jooga degaanka Dawaduba, kuwaas oo ay ka dalbadeen in Hub ay horay uga furteen ku celiyaan muddadaas haddii kalena ay weerar la kulmayaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya Jeremiah ole Kosiom, ayaa sheegay in AL-shabaab farabadan lagu arkay Waddada Ceelwaaq iyo Mandheera islamarkaana cabsi badan ay ku hayaan dadka degaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan Hub horay dagaal looga furtay sababta ay u soo laabteenna tahay in ay Hubkaas helaan ama weerarro aargoosi ah ka fuliyaan Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.