Baydhabo: wasiirka Gaashaadhiga oo xarigga ka jaray xero lagu tababari doono ciidanka.

Wasiirka gaashandhigga Xukumada Faderaalka Soomaaliya iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furey xerada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka oo dowladda ingiriiska ka hergalisey Baydhabo.

Wasiirka ayaa Furey Xerada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed oo Dowladda Ingiriiska ka hergalisey Magaalada Baydhabo, iyadoona Ciidamo gaareya 100 -Askari oo ka tirsan Qeybta 60-aad loo furey Tababar, Socon doono mudo labo bilood ah.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Waxan Munasabada Lagu Fureyay Xerada, iyo Tababarka Ciidanka Kasoo qeyb galey, Safariika Dowldda ingiriiska Ufadhiya Soomaaliya Ben Fender ,Wasiirka Difaaca Dalka , Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya , Wasiiro , Xidlhibaano Odayaasha dhaqanka, iyo Qeybaha kala Duwan Ee Saraakiisha Ciidamada.

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing

inta Munaasabada Laguda Galin Mas’uuliyiinta Ayaa waxaa ay kormeer iyo Indha indhen ay ku sameyeen Xerada Ciidankan Lagu Tababareyo oo Dowladda Ingiriiska ka hergalisey Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay.

Image may contain: 5 people, people standing, suit, sky and outdoor

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada Koonfur Galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa boogadiyay Kaalinta dowladda ingiriiska Ay ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka, isagoona Ciidamada Tababarka loo Furey Kula Dar daaramey In ay wax badan ka Faa’ideystaan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Image may contain: 4 people, people standing

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.