DAAWO: Loolanka Sanaag ee isku Eedeynta Shabaabnimo ee Puntland & Somaliland, Warar xiiso leh iyo Halisyo wajahan.

BADHAN(P-TIMES) – Somaliland si buuxda ayay u qirtay in looga guuleystay duulaan ay bilowgiisa lahayd oo ay ka bilowday gobalka Sanaag, waxay bilowday in ay hadda samayso dacaayad siyaasadeed oo ku wajahan in gobalkaas uusan aheyn ammaan, oo uu yahay meel ciidamo ku dagaalamayaan, waxay ku eedaysay Puntland in ay taageerayso Shabaab.

Somaliland, oo horey aysan uga dhicin wax la xariira ficilo Argagixiso, laguna eedayanayay in ay Shabaab xariir kala dhaxeeyo, ayaa hadda u muuqata mid Shabaabnimo ku eedaynaysa Puntland oo dhankeeda horey ugu eedeyn jirtay.

Talaabooyinka muuqda ee ay qaaday Madaxtooyada Somaliland, waxay dhab ka dhigeen in maamulkaas looga awood sheegtay gobalka Sanaag, oo ay jab kala kulmeen, markii siyaasiinta ka soo jeeda gobalkaas ee dhinaca Puntland ay awood badan saareen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa warqad qoraal ah oo u diray Hay’addaha caalamiga ah wuxuu sheegay in ay ciidamo Shabaab ah kusugan yihiin magaalada Badhan iyo deegaanada u dhaw dhaw, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa taabacsan Puntland.

Somaliland, dhawaan waxay weyday in ka badan 1000 Askari oo u joogay gobalkaas, oo diiday amarkeeda ah in ay weerar ku qaadaan Badhan, taas bedelkeedana ku biiray Puntland.

HALKAN RIIX SI AAD U HESHO U DAAWATO

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kusifeeyey hadalka Muuse Biixi, mid waqtigiisii dhamaaday wuxuuna sheegay in aan cidna maqli karin warkiisa oo ay dhammaan hay’adduhu ka howgali doonaan.

Puntland, ayaa xooga saaraysa sidii ay hay’addaheeda kala duwan iyo kuwa ay saaxiibada yihiinba ay saameyn ku yeelan doonaan gobalkaas oo ay ka hirgali doonaan mashaariic kala duwan, iyadoo amartay in la joogo waqtigii waxqabadka.

Loolanka labada dhinac oo hadda dhinac u dhacay kii ciidamaddu, waxaa bilowday loolanka xagga hor istaaga mashaariicda horumarineed, iyadoo ay Somaliland xooga saarayso sidii gobalkaas aan waxba looga qaban laheyn, laakiin Puntland ayaa dhankeeda wax badan oo waqti ah galinaysa waqti xaadirkan.

 

14 Comments

  1. Boqortooyada. Majeerteen dawlada puntland. Boqrtayda. Warsangali. Waa inay meel saraan jegaanta hawshwda waa dher at ay. Muda dher kibreen. Harti waxa laga rabaa inay meel Uga soohadhan jegaanta hadii kale. Sanad walba idoor dagaal ha kusoo qado. Reer sool .waa in af darood ama AF idoir meel loogu hagagaa. Dani iyo karash shaqa utaal. Jegaanta kaliya awooda saaro barya wax kumalaha sayidka sheegay.

  2. Asc somaliyey dhaman Tina wa idin salamay anigo Ahmed mooye warki madaxweyn kuxigan hadalkis wa run xugumada muuse bixi hogaminayo wa shabab hadalkisa u cad yahy magrty muuse bixi adunka wa laga ogyahy ha is qarin anigo Ahmed mooye dagalki kadhacey gobalka bari afur waxa sodirey muuse bixi iyo jeeganto wado waraqo aya lahan oo cad ah ok dad weynh Somaliyada waxa u shegayh muuse bixi wa shababka sas ula socda anigo Ahmed mooye leydhaho imaqla ninkan muuse bixi wa shababka ninka weyn reer somaliland iyo puntalnd il gar kuhay ok anigo Ahmed mooye hadalkeyga intas aya hadaleyga ugu baxey reer somaliland iyo shacabkada iska qabta muuse bixi wa shababka ninka weyn ok oo qarxiyo somali ok bye

  3. Hello ninka so duley wa layaqa wa muuse tuug iyo jeeganto wado dhul u lahan iyo layhy an iskala muuse tuug gorta lahin jirdey ishg meshan in garis mashaqanayo magrty anigo Ahmed mooye leydhaho dhulkan wa puntalnd magrty muuse tuug jeegan malaha jeeganto meshey dagdo wa layaqanh labada gadamo muuse tuug riyada beenta iska dah anigo Ahmed mooye leydhaho intas aya hadalkeyga ugu baxey ok bye

  4. ASC.
    ***** ***** *****AWR BUUBALA***** ***** *****. QORAALKUNA MA AHA KUWAAD ARKI JIRTEEN.
    Adeer ii bannay aan MARYOOLE ku tunte min Raskiamboni illa Lowyocaddo. AFEEF; Xawaadle iyo Mareexaan baa iskay dhalay, iyyaguna waxay ila midyihiin; Hubeer, H/gidir, H/jeclo. °ILAAHAY SWT wuxuu i faray inaanan EEX gelin MARKA haddaan u eexdo ina adeer ama ina abti SOW ma diidi WUXUU i farad ILAAHAY SWT? oo sow abaalkaygu ma aha NAAR? (ILAAH SWT baan ka hoos gale). °§*=°§*Hadda waxaan ku durdurin wax ma garatadi Somali. °Hawluhu kala mudane MAANTA waxay ka taagantahay Sanaag. °Horta waxaan leeyahay; “ISAAQ, gardarrada jooji oo degaankaa Warsangeli xoog haku doonin. WARSANGELI, maanta waxaa idinla jira Somalidi fayoobeed oo dhan BALSE yaysan idin qaadin ISLA WEYNIN ee ku noqda deganaanshadiini M/jerteen & Isaaq MIDKOODNA maatadiina Xannaanayn-maaye DHOWR Sargaal oo garado lagu tixane nolol ma ahe DARYEEL MAATIDA, HORUMARIN DHAQAALAHA DEGAANKAA NOLOL AHE. °§*=°§*Beesha ISAAQ intaan H/Yoonis ka ahayn WAXAA u taliya Muuse Biixi & Koox leh; “Ma cidaan annaga ahayn baa jirta?!!!”. °§*=°§*Waa adduunyo Madaxi iyo Lugihi is weydaar-sanyihiin BAL saaxiibkay-sammigay XAAF wuxuu leeyahay WAA INAY isu yimaadaan MADAXDDA Gobollada WAR RUNTI isagaanba jirine SOW dad isugu yeera? CAR WAA KAASE ISU KAY QABADSIIYA WADDANKA SOMALI WAA 18GOBOL & GALMUDUG BAA GOBOL AH (reer been ku nool). §§§§§§§§§§Kuwa kale waan u soo noqo (IN SHÀALLAAH SWT) INKASTUUSAN XISBIGAYGU ka badnayn 7%. WBT

  5. ASC.
    Marqaan iyo Puntland Times, waxba igama gelin sidaad isugu xirantihin BALSE inaad qoraaladayda ku soo qortaan ANONYMOUS idinka yeelimaayo ee Fadlan magacayga YAAN la qarin. WBT

  6. Hoorta majeerten ma hadal uun ba ka so hadhay away tukaraq away laascanood mantan yuba la haysta waa runta ka hadla khayaliga dhafa oo naf isku yeela

  7. Hoorta ninkan webkan lihi wuu dadala oo niyada ka habtay shacbka puntland ayu uu noleya sidu waxan jirin uu qorayey ayu dalay

Leave a Reply

Your email address will not be published.