DAAWO: Xaaf oo shir deg deg ah isugu yeeray M/Goboleedyadad & Wararkii ugu dambeeyay Go’aankii siyaasiyiinta looga mamnuucay Kenya

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa kulan deg deg ah la isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya si looga hadlo Xaaladda dalka.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo idmaday oo qeyb ka yihiin dagaalka lagu jiro Al-Shabaab iyo in ay dooneyso burburinta Nidaamka Federaalka ee dalka ka jira.

Kulankaan ayaa ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay il gaar ah ku heyso Xaaladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa eedeyn adag u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay duulaan kusoo qaadeen maamulka Galmudug ayna ka jarteen dhaqaalihii loogu tala galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.