Farmaajo & AMISOM oo yeeshay kulankii ugu waqtiga dheeraa uguna xasaasinaa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga wadahadlay qorshaha howlgalka AMISOM ee dhawaan la siiyay muddo kordhinta iyo waxaa ay ku qabanayaan.

Sidoo kale intii uu kulanka socday ayaa la isla soo qaaday horumarka laga sameeyay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda dalka.

Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in AMISOM ay muhiim u tahay xasiloonida Soomaaliya islamarkaana ku dadaalayaan sidii AL-shabaaab looga saari lahaa dalka.

Waxaa kale oo uu Mr Francisco Madeira sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen horumarka Ciidamada AMISOM ay ka sameeyeen howlgalladii dhawaan ka dhacay Shabeellaha hoose ee lagu qabtay Bariirre iyo Sabiid.

1 Comment

  1. muqdisho harereheda wa mashruuc in waligi dhamanan,Amisoom mashrucas aan dhamana ayey Qayb katahay,Allshabaka somaliya Asaguna waxuu ka mid yahay masharicda iska jitameysa kuli waxa loso shaqo Dontay somliya,tolow waxani gormey dhamanayan? Qabkeese ku dhamanayan?

Leave a Reply

Your email address will not be published.