Kenya Oo Ku Eedeysay Somalia Inay Iibinayso Xermooyinka Shidaalka Ee Laamu

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in Dukumenti muujinayo faahfaahinta cusub ee ay Somalia ku doonayso inay ku xaraashto qeybo ka mid ah xuduud-baddeedka Jesiiradda Laamu oo 341-KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Mombasa.

Faahfahinta cusub ayaa muujinaysa inay Somalia doonayso inay xaraashto 4 xirmooyin shidaal oo tirsigoodu kala yahay 189, 190, 204, 218 iyo 219, kuwaasi oo kaabiga ku haya Laamu oo ah Xuduud-baddeedka Kenya.

Wargeyska waxa uu qoray in Dukumenti loogu magac daray “Offshore Somalia 2019”  oo ay soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta muujinayo in 5 Xirmooyin Shidaal oo ku yaalla Laamu ay qeyb ka yihiin kuwa ay Somalia u bandhigtay Maalgashadayaal, waa sida hadalka loo dhigay.

Dukumentiga uu Wargeyska The Standard sheegay inuu helay ayaa waxaa lagu xusay inuu  muujinayo in kadib bisha Janaayo ee sannadka so osocda ee 2020-ka, Shirkadaha ku guuleysta ay bilaabi doonaan Sahminta shidaalka oo in ka badan 4 sanno socon doona, laguna dari  doono 2-sanno oo kale iyo in ugu dambeyn la cusbooneysiin karo 2 sanno marka  ay Somalia dib loogu soo celiyo Xirmooyinkaasi,  waa sida uu Wargeyskaasi shaaciyey.

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard waxa uu qoray inay Dukumentiyo kale muujinayaan 20,000 oo KM oo ay Shirkadda Soma Oil horey uga sahmisay meel ka baxsan Xeebaha Somalia.

Wargeyska waxa uu sii raaciyey in Soma Oil  tahay Shirkadda uu Guddoomiye ka ahaa Hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Britain, Michael Howard bishii August 13-dii ee sannadkii 2013-kii,  isla markaana uu Ra’isul-wasaaraha haatan ee Somalia, Xsaan Cali Kheyre horey u ahaa Agaasimihii Fulinta ee  Shirkadda Soma Oil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.