M/weyne Deni Iyo Maamulka Shirkadda Duulimaadka Itoobiya Oo Ka Wadahadlay Sidii Shirkadaas Ay Puntland Uga Hirgelin-lahayd Duulimaadyo Joogto ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiyaan Airline.

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ( CEO) shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa masuuliyiinta kala xaajoodey abuuridda fursado ganacsi oo lagu horumarinayo xidhiidhka taarikhiga ah ee Puntland iyo Itoobiya, Madaxweynaha ayaa xusay inay qayb muhiima ka qaadanayso xidhiidhkaasi hirgelinta duulimaadyo caalami ah oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline ka hirgeliso Puntland, taasi oo fududaynaysa isku xidhka labada dhinac iyo abuuridda fursado maalgashi.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaradaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.

Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo 15 Juun 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka.
Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Itoobiya oo kashaqeysa fududeynta isu socodka dadka iyo ganacsiga.

2 Comments

  1. Madax weyne Denni wuu da daalayaa allaah garab galo. He’s trying his absolute best to smoothen the air travel between Puntland and the rest of the world.. i think he is the first president to pay such an effort to meet both the CEO’s of Flydubai in UAE as well as the head of Ethiopian airlines in Addis.. give the man a credit..he’s well aware of the much needed air travel for the people he’s leading..

  2. Siciid Deni waa neef dulli ah ee aan Puntland kheyr iyo wanaag toona u wadin xaqiiqdii. War inta Ilaahay dad uuntay miyuu maanta fursaddaas dhaqaale ee dahabiga ahayd Itoobiyaanka cadawga gaamuray ah u quuray?

    Maxaa garashadeeda u diiday in uu shirkad duulimaad ee ay reer Puntland isku baheysteen ganacsatada waaweyn ku qalqaaliyo oo uu la dhiso oo uu deeto qandaraaskaas siiyo? Aqoonta dhaqaale iyo waddaniyadda ayuu si xun uga arradan yahay runtii.

    Waa doqon aan damiir iyo dareen toona lahayn oo Puntland gebi ahaanteeda ba cadaw shisheeye ka xaraashi doona haddii aan laga qabanin. Puntland digteetarnimo xun baa ka jirta oo waxaa eeddaas wax ku leh warbaahiyeyaasha Puntland oo aan madaxda maamulka kala xisaabtamin hoggaan xumada ay caadeysteen iyo dagalkan la iska xaraashayo.

    WHAT A TERRIBLE STRATEGIC BLUNDER AND A BLOODY WASTED OPPORTUNITY FOR PUNTLAND!

Leave a Reply

Your email address will not be published.