Madaxweyne Laftagareen: Askarigii qof shacab ah dila waa in ladilaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Cimro Ugu Maqanaa Dalka sucuudi carabiya ayaa  Maanta dib ugu laabtey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta dib ugu soo laabtey Magalada Baydhabo,oo mudooyinkaa dambe Cimro u aadey Magaalada Barakeysan Ee Makka Almukara.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxa goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo Ku soo dhaweyayay,Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka  Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada koonfur Galbeed,Wasiiro,Xildhibaano ,odayaasha dhaqanka, qeybaha kala Duwan Ee saraakiisha Ciidamada ,iyo Ururada Bulshada Ra’idka Magaalada Baydhabo Ee xaruunta Gobolka Baay.

Image may contain: 4 people, people smiling, beard

Intaasi ka dib Madaxweynaha aya Waxa loo soo Galbiyay Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ,ayaa halkaasi oo Kullan is xog wareysi ah kula qaatey ,Gollaha wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Image may contain: car and outdoor

Ugu Horen waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye,isagoona Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku soo dhaweyay Magaalada Baydhabo.

Image may contain: 8 people, people standing

Madaxeynaha  Koofur Galbeed  Lafat-gareen ,ayaa waxaa uu ka Hadley Safarkiisa uu uga Maqana dalka sucuudi carabiya ,waxaa una sheegey in kani uu ka duwan yahay safaradii shaqo ee uu la aadi jirey , Safarkan aan u aadney Cimro.

C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa soo hadal qaaday dilka uu sheegay in ciidanka Dowlada ay u gaystaan dadka shacabka ah ” waxaa  marnaba la aqbali Karin,in Qof shacabka Ah oo aan Waxba galabsan la dilo oo uu dilo Askari Shacabka Amnigiisa Ilaalin lahaa Qofkii Qof dila Waa ladilaa” ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Image may contain: 2 people, people sitting

Soo laabashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmaysa xili inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka lagu wado  in shir ugu furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ,walow ka qaybgalkiisa shaki lagaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.