Mareykanka oo Faahfaahin ka bixiso duqeymo ay ka fulisay Puntland.

BOOSAASO(P-TIMES)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro duqeymo ah oo ay geysteen ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay ka geysteen buuraleyda gobalka Barrie e Puntland, waxaana ilaa hadda ay US xaqiijisay dhimashada qaar kamid ah dagaalyahanada kooxda xagjirka ah ee DAACISH.

Wararka ayaa sheegaya in ay duqeymahan dhaceen galinkii dambe ee Ciidka shalay iyo doraad, waxaana weerarka xoogiisa lagu qaaday goob loo arkay in ay joogaan saraakiil la baadi-goobayey oo katirsanaa kooxda Daacish.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayuu ku sheegay in lix ka mid ah Ururka Daacish ku dhinteen duqeynta ka dhacday Buuraleyda Golis ee Puntland.

Warka ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay wadajir u fuliyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa SOomaaliya iyada oo intaas lagu daray in dowladda Soomaaliya ka warqabtay.

Buuraleyda Goolis ayaa waxaa ku wada sugan AL-shabaab iyo Daacish halkaas oo ay dhowr jeer ku dagaallameen,waxaana intaas u dheer in labaduba uu Mareykanka dagaal kula jiro.

Dowladda Mareykanka ayaa weerarkani u yahay kii 8aad ee sanadkan 2019 ka fuliso Buuraleyda Goolis gaar ahaanna kuwa sida gaarka ah loola beegsado Daacish.

Weerar dhacay 14kii April ayaa lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii Daacish,waxaana uu weerarkaas ka dhacay Tuulo hoostagta degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.