PUNTLAND: Ciidamadii kasoo baxay Saldhigii Af Urur ee PL oo maanta dib loo celinayo.

CARMO(P-TIMES)- Ciidamo katirsan kuwa dawladda Puntland oo todobaadkan kasoo baxay saldhig ciidan oo kuyaalay Buuraleyda GOLIS, gaar ahaana Deegaanka Af Urur ayaa lagu qanciyay in ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda ciidan.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha oo kusugnaa magaalada Boosaaso ayaa tan iyo shalay lakulmiyey saraakiisha laamaha ammaanka oo ay arrimahan ka wada hadlayeen.

Wasiiro katirsan xukuumadda ayaa ciidamada soo gadoodayay kula hadlay saldhig ay kuleeyihiin goob ku dhaw deegaanka Af Urur, waxayna sheegeen in la xalin doono tabashadooda.

Taliyaasha ayaa ka careysan in laga joojiyey dhaqaale dheeraad ah oo ay qaadan jireen, halka warar kalena ay sheegayaan in ay Dawladdu bilowday tirokoobka rasmiga ah ee ciidamada.

Caqabadaha ugu waa weyn ee ay wajahayso xukuumadda Madaxweyne Deni waxaa kamid ah ciidamada oo inta badan mar kasta ka horyimaada in lagu sameeyo dibu habeyn balaaran.

Talaabada dib u celinta ciidankan ayaa ah mid ammaanka deegaankaas dib loogu sugayo, balse halisaha aan la dhayalsan karin waxaa kamid ah in mar kasta lamaqlayo ciidamo kasoo gadooday saldhigyadooda oo aan talaabo laga qaadin, balse dhaqaale lagu xaliyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.