WARBIXIN: Sannad ka hor maanta oo kale go’aamadii ay gareen Madaxda Siyaasadda Soomaalida ee Baydhabo, maxaa ka hirgalay?

MUQDISHO(P-TIMES)- Sannad ka hor, maanta oo kale Hoggaamiyaasha Soomaalida ee dhanka siyaasadda oo iskugu jira Madaxda dawladda Faderaalka iyo kuwa dawlad gobaleedyada ayaa ku shiray magaalada Baydhabo, waxayna soo saareen warsaxaafadeed iyo qodobo ay ku heshiiyeen oo ay ku jireen arrimo waa weyn oo ay xiligaas isku hayaan.

Sannad ka dib, maanta dhinacyada oo dhan wey is khilaafsan yihiin, waxayna ka hadlayaan qodobadii ay sannad ka hor ku heshiiyeen oo aan la fulinin, madaxdii dawlad gobaleedyada ee xiligaas oo isbedel ku dhacay qaarkood, wali kuwa yimidna waxay muujinayaan walaac xoog leh.

6 June 2018, waxay ku heshiiyeen dhinacyada Soomaalidu in si wadajir ah looga shaqeeyo danta Qaranka, lana ilaaliyo madax banaanida dawlad gobaleedyada, lagu dhaqmo Dastuurka dalka u yaala, la hirgaliyo nidaam Doorasho oo heshiis lagu yahay, Amniga wadajir looga shaqeeyo, Dawladda Soomaaliya fasaxdo kaalmada caalamiga ah oo la qeybsado.

Madaxda Soomaalidu, waxay xiligaas isku raaceen in la dadajiyo qorshaha waqtiga kala guurka oo ay baahi weyn u qabaan Shacabka Soomaaliyeed, laakiin sannad ka dib majirto wax horumar ah oo laga gaaray.

Heshiiskii ay xiligaas gaareen dhinacyada Siyaasaddu, kuna gaareen Baydhabo, waxay markale ku heshiin waayeen bishii May ee hadda laga soo gudbay oo ay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Garoowe, kuna soo dhamaaday fashil.

Dawladda Soomaaliya ayay dawlad gobaleedyadu ku eedaynayaan in aysan daacad ka aheyn arrimaha heshiisyada ay gaareen oo ay mar kasta doonayso doonisteedu in ay fusha oo aysan wax kaleba qabanin.

Mid kamid ah siyaasiinta Soomaalida oo la hadlay Puntlandtimes.com wuxuu u sheegay in qodobada waa weyn ee dul-hoganayaa dawladda Soomaalida ay ka mid yihiin in aysan wali waxba ka dhaqaajin qorshihii ay Baydhabo kusoo heshiiyeen Hoggaamiyaasha dawlad gobaleedyada.

Ka sokow, in dawladda Faderaalku ay dagaal toos ku qaaday xiligaas wixii ka dambeeyey Madaxdii dawlad gobaleedyada, gaar ahaana ayba qaarkood Is casileen, qaarna looga adkaaday tartanka doorashada, haddana kuwii cusbaa ee yimi ayaa si adag uga soo horjeestay.

Sannad ka dib, Madaxweyne Farmaajo dawladdiisu waxay wajahaysaa cadaadiskii ugu xooga badnaa, gaar ahaana mid uga imaanaya dawlad gobaleedyada oo markale shir u gaar ah ku qabsanaya magaalada DHuusa-Mareeb, loogana hadlayo arrimaha siyaasiga ah ee taagan.

Dawlad gobaleedyadu, waxay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxaysay dawladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay si madax banaan u maamuleyso howlaha muhiimka ah ee dalka oo ay ahayd in wadar ogol lagu go’aamiyo, gaar ahaana qorshaha khuseeya dhinacyada oo dhan.

Waqtiga dawladda ayaa ah mid soo dhawaanaya, mana jiraan is faham siyaasadeed oo ay dhinacyada Soomaalida oo dhan iskaga raacsan yihiin doorashada 2021-ka nooca ay noqon doonto, dawladdu waxay ku mashquulsan tahay sidii ay uga adkaan lahayd Madaxda dawlad gobaleedyada Jubbaland & Galmudug oo labadaba ay sheegayso in doorasho ay ka dhici doonaan sannadkan.

Dawladda Faderaalku, waxay fashil weyn kala kulantay doorashadii Puntland oo ay doonaysay in uu ku soo baxo ruux ay taageersan tahay, balse taasi bedelkeeda waxaa soo baxay in uu Madaxweyne noqday Siciid Cabdullaahi Deni oo ay dagaal adag la gashay dawladda Faderaalka.

Hadda, dawlad gobaleedyada Galmudug, Jubbaland & Puntland waxay joojiyeen wada shaqeyntii ay lalahaayeen dawladda Soomaaliya, waxayna beesha Caalamka si toos ah ugu sheegeen in deeqda lagu helo magaca Soomaaliyeed aan la marsiin karin dawladda Faderaalka, taasina waa mid muujinaysa kala irdhaw cusub oo siyaasadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.