Wasiirka arrimaha dibadda Norway oo Muqdisho soo gaaray.

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta Soo gaaray wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Norway waxaana soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo Booqasho ku timid dalka ayaa waxaa garoonka Caaliga ah ee Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku geenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadad.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

“Waxa aan maanta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo Booqasho ku timid dalka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku geenka dalka.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Wasiirada ayaa lagu wadaa inta ay joogto Muqdisho In ay kulam la qaadato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xubno ka tirsan wasiiradiisa.

Image may contain: 1 person, sitting

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.