Xabsiga Cusub Ee Muqdisho Oo Shaqo Bilaabay ,Maxaabiis Ayaa Lagu Wareejiyay

Waxaa Maanta Xabsiga weyn ee ku dhex yaalla Xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku taalla Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho loo wareejiyay Maxaabiis ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar.

Maxaabiistaan laga soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar,isla markaana si rasmi ah loogu wareejiyay xabsiga weyn ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 58 Maxbuus.

Waa Maxaabiistii ugu horeeysay ee la geeyo tan iyo markii la dhigay Xabsiga weyn ee ku dhex yaalla Xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,kaasi oo kamid ah Xabsigyada ugu weyn Qaaradda Afrika loona dhisay si Casri ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.