XOG: Somaliland ma xarun ayey u noqonaysaa Mucaaradka Farmaajo & Kheyre, maxaase ka run ah?

HARGEYSA(P-TIMES)- Wada hadaladii la sheegay in ay Nairobi ku dhexmareen dhawaan Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ee mucaaradsan dawladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xubno katirsan Hoggaanka Somaliland waxa soo baxaya wararka sheegaya in ay dhinacyadu ku heshiiyeen si cad in loola dagaalamo dawladda Faderaalka.

Faysal Cali Waraabe oo kamid ah madaxda Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay ka wada hadleen siyaasiinta gobalada dhexe ee ay kulmeen, sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo, taas oo uusan qarsoodi ka dhigin Faysal.

Hadda, waxaa banaanka u soo baxaya warar kala duwan oo daaha ka rogaya qorshaha dhinacyadu ay ku heshiiyeen, waxaana la sheegay in doorashada Soomaaliya ee 2020-ka mucaaradida ugu xooga badan ee Farmaajo iyo Kheyre ay uga imaan doonto magaalada Hargeysa.

Madaxtooyada Somaliland, waxay xooga saaraysaa in ay saameyn xoog leh ku yeelato arrimaha doorashooyinkaas, gaar ahaana xubnaha dhankeeda matali doona ayaa la sheegay in ay xubno ka socda Madaxtooyadu faragalin ku yeelan doonaan.

Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka.

Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan.

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegtay raysal-wasaare uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo.

Kulanka qarsoodiga ah ee Nairobi ay ku yeesheen mucaaridka dawladda Farmaajo iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa la iskula qaatay in la go’doomiyo siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan ba xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

2 Comments

  1. Somaliland wiilasha Hawiye waa dalkoodii waa Dal iris Samale markaa wax dhib ah ma leh waa ilmaadeer iska sheekaysan

  2. Anonymous
    lkn Isaaq taas ma’aaminsanee se wax ujiraa? kkkk Waxeey yiraahdaan Carab baan kasoo jeednaa Hawiyese weli kama maqlin ineey Carab ku abtirsadaan, ma idinkaa iska jecleeysateen in Isaaq wax idinla wadaago kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.