XOG: Wararkii ugu dambeeyey ee deegaanka Af-Urur & Puntland oo diyaar garow ku jirta.

CARMO(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalamayaal katirsan Al- Shabaab oo maalin ka hor la wareegay deegaanka Af Urur ee gobalka Sanaag, ka dib markii ay halkaas ciidamadii Puntland ee kusugnaa ka guureen, una baxeen dhinaca laamiga dheer ee kasoo baxa magaalada Boosaso.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo la xariirta arrimaha bixitaanka ciidamada ilaa hadda, balse xogo laga helay deegaanadaas ayaa sheegaya in sababaha bixitaanka ay ka dambeysay, ka dib markii ay ciidamadaas diideen amaro uga yimi taliyaashooda.

Warar kale ayaa sheegaya in xagga mushaaraadka cabasho ah ay uga baxeen deegaanka Af Urur oo muhiim u ah difaacyada ciidamada Puntland ee kusugan buuraleyda gobalka Barri.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo si deg deg ah ku gaaray Boosaaso, ayaa wararku sheegayaan in uu halkaas u tagay sidii wax looga qaban lahaa arrimahan, dibna ciidamada ugu laaban lahaayeen saldhigyadoodii.

Mid kamid ah dadka deegaanka Af Urur ayaa sheegay in dad hubeysan ay soo galen magaalada, oo ay calan madow ka taageen Saldhigi ay ka baxeen ciidamada Puntland, ka dibna ay dib uga laabteen, isagoo sheegay in aysan jirin cid si buuxda u joogta magaalada.

Warar kale ayaa xaqiijinaya in ay maleeshiyaadka Shabaab kusugan yihiin goobo aan wax badan u jirin magaalada Af Urur, taas oo keentay ijn ay wali dadku ka cabsanayaan in ay baabuurta ku safraan.

Af Urur waxaa horey u qabsaday Al- Shabaab, waxayna ka geysteen weerarkii ugu badnaa ee dhimasho soo gaarta ciidamada Puntland, waxaana ku dhintay in ka badan 40 Askari oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta ee dawladda Puntland kal hore.

 

 

7 Comments

  1. Hadan Rayigeyga ka hadlo mashaqada ka Alosan Tulada af’urur oo katirsan buraleyda galgala ee gobalka Barri ee puntland,cidamada meshas saldhiga kulaha oo iskaga baxay saldhiga iyagoo aan Dagalamin oo iskaga baxay meshi arintasi ma’ah mid sahlan,cidamada waxay leyihin Difac & sirdoon ama gurmad kaga iman kara melkasta oo ugu dhawo,waxa surta gala in is fagarad qarsodi ah kala dhexeyo kuwa mesha qabsaday & kuwa mesha kunool dhamantod in talabo laga qado aya sharciga cidamada wa sidas waxay u’eggyihin cidan shaqadodi lumiyey.

  2. Meesha waxaan filayaa in warsan galigiii kasoo cararay Badhan inay isku laba rogeen AF URUR maxaa yeelay waa dhul warsangali.

    Habar Harti Salaan.

  3. Puntland waan ka xumahay waa isku dhex yaacsantahay meel ayagaa is fiirsanaya meel kale Dawlada Federaalka ayaa jecel inay burburto meelkale Isaaq baa doonaya in ay Puntland baabado, meelkale Maamulku wuxuu mooda meesha inuu u yimi dhar lagu xaraagoodo in la qaato ee aqoon dowladeed iyo horumarinta dhaqan dhaqaal iyo bulsho in laga rabo ma oga. Reer Hebel iyo reer Hebel bay ku mashquulsanyihiin Kii aqoonta lahaa qabiilkaa reebay
    Allow na samata bixi

  4. Warqabe salaamullah wallkiis

    Insha Allahu reer Puntland waa geesiyo cadow badan leh lkn Allah baa lajira oo wax cadow ka qaadayaaba iska yar
    Guuuuuul Inasha Allah

  5. Asc.
    Ciidamada puntlaan ee si ku meel gaar ah uga soo durkay saldhigii ay joogeen waa xeel dagaal oo waxay Rabeen in ay ogaadaan jahada ugu dhaw ee shabaab ka imaanayaan. Markii ay taas ogaadeena waa kuwii haddiiba ku noqday saldhigoodii oo ay haddeer xaadir ku yahiin.Sheekooyinkale ee sheegaya waxaan waxba ka jirin waa wada been iyo bilaash

Leave a Reply

Your email address will not be published.