DHAGAYSO:Maxkamadd caan ah oo u hiilisay Muslimiin tira yar oo la xasuuqay

NAIROBI(P-TIMES)- Garsoorayaasha maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ee ahaa in la furo baaritaan lagu samaynayo dambiyo laga galay dadka laga tira badan yahay ee Muslimiinta ah ee Rohingyaha loo yaqaan ee ku nool dalka Myanmar.

Maxkamadda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in guddiga garsoorayaal ah oo darsay codsi ay soo gudbisay dacwad oogaha maxkamdda Fatou Bensouda ay kusoo gaba gabeeyeen in ay jiraan sababao lagu rumeysan karo in uu dhacay rabshado baahsan, kuwaas oo tilmaamaya in lagu kacay fal dambiyeed ka dhan bani aadanimada.

Hay’adda Human Rights Watch ee u dooda xuquuqda aadamiga ayaa ku tilmaantay go’aankan mid raja cusub galinaya dhibanayaasha taas oo ay ku arki karaan in kuwii masuulka ka ahaa dambiyadii ka dhanka ahaa bulshada Rohingaha cadaalada la horkeeno.

“Dhibanayaasha Rohingaha waxay ugu dambeyn heli doonaan maalin cadaaladeed” ayuu yiri Param-Peet Singh oo ah agaasime ka tirsan Human Rights Watch.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*