AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Cambaareeyay Qarixii Lagu Dilay 235, Tacsina U Diray Shacabka Iyo Dowladda Masar

MUQDISHO(P-TIMES)-War Saxaafadeed Tacsi iyo Cambaareen isugu jirtay oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Tacsi loogu diray Ehelada iyo Dowladda Masar dadkii kaga geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Rowda oo ku yaalla Bi’rul Cabdi oo katirsan Deegaanada Hoos taga Gobolka Siinaa…
WAR DEG DEG AH:- Kooxda Al-Shabaab Oo La Wareegtay Deegaano Ka Tirsan Gobalka Mudug Iyo Ciidamada Puntland Ee ‘PMPF’

GAALKACYO(P-TIMES)-Wararka aan ka helayno magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug, ayaa sheegaya in qeybo ka tirsan deegaanada Gobalka mudug ee ay ka arimiso Galmudug, ay la wareegeen Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Deegaanada Koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa la soo sheegaya…
DEG-DEG+XOG:- Meydka Xildhibaankii Lagu Dilay Muqdiso Oo Aan Weli La Aasin & Wada-hadaladii Ugu Dambeeyay Oo Fashilmay

MUQDISHO(P-TIMES)-Wararka Muqdisho ka imaanaya waxey sheegayaan inaan weli la aasin xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ay Arbacadii Muqdisho ku dileen ilaalo la socotay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo Baarlamanka Somalia ka tirsan. Xildhibaanada iyo odayaasha marxuumka ayaa isku raacay inaan la…
XOG+SAWIRRO:- Amiiradii Iyo Maalqabeenadii Uu Xiray Amiir Maxamed Bin Salman Oo Go,aan Gaaray, Baaqna U Diray Boqortooyada

RIYADH(P-TIMES)-Wararka ka imanaya Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegaya in inta badan amiirada iyo maalqabeenadii la xirey horaantii bishii hore ay haatan doonayaan inay gorgortan ka galaan sidii ay u soo celin lahaayeen malaayiin dollar ayna u heli lahaayeen xoriyadooda. Amiiradan…
AKHRISO:- Kulankii Golaha Wasiirada Oo Lagu Ansixiyay Xubin Tirsan Guddiga Madaxa Banaan Ee Dastuur

MUQDISHO(P-TIMES)-Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu bilowgii shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), halka uu qeybtii danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre…
DEG-DEG+AKHRISO:- Dowladda Federaalka Oo Soo Bandhigtay Macluumaad Cusub Oo La Xiriira Ragii Fuliyay Qarixii ZOOBE+SAWIRRO

MUQDISHO(P-TIMES)-Wasaarada Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ragii fududeeyay qaraxii dadka badan ku dhamaadeen ee 14-kii October ka dhacay Isgooska Soobe. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga ayaa lagu sheegay in wali socdo baaritaano dheeraad…
DEG-DEG_FAAH-FAAHIN:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisad Ka Taagay Suuqa Gaalkacyo & Mid Ka Mid Ah Dadkii Dhex-dhexaadinta Wadey Oo La Dilay

GAALKACYO(P-TIMES)-Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, ayaa sheegaya in ay haatan qabow-day Xiisad ka jirtay suuqa magaaladaasi. taasi oo u dhaxeysa maleeeshiyo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Rasaas xooggan ayaa saacadihii…
DAAWO SAWIRADA:- Ra’iisulwasaare Kheyre Oo War Xasaasi Ah Uga Dhawaaqay Beydhabo & Shacabkoo Ku Diirsaday

BEYDHABO(P-TIMES)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhowaan Cidiamada qalabka sida ay bilaabi doonaan howl gal la isugu furayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hadalkan ayuu xalay Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Baydhabo…
DEG DEG+SAWIRRO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Muqdisho Yimid & Xog Ku Saabsan Safarkiisa

MUQDISHO(P-TIMES)-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Houmed ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu soo dhoweeyay. Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaanada labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale ayaa…