LIVE U DAAWO:Munaasibad la isku arkay oo hada ka socota Hotelka News Rays ee magaalada Garowe & Sanadka cusub oo lagu….

GAROWE(P-TIMES)- Hotelka New Rays ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa haatan ka socota munaasibad lagu sagootinayo sanadkii 2018 isla markaasna lagu soo dhowaynaya sanadkan cusub, waxaana abaal marino kala duwan lagu gudoonsiin doonaa munaasibadaasi shakhsiyaad kala duwan oo waxqabadyo la taaban karo kasoo qabtay deegaanada Puntland. HALKAN HOOSE SI LIVE AH UGA DAAWO MUUQAALKA

Xildhibaano badan oo gaadiid dagaal lagu galbinayo gudaha Garowe & Naftooda oo halis ku jirta + Bartilmaameedka maxaa sababay?

GAROWE(P-TIMES)– Kadib markii maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland isla markaasna qaarkood la sheegay in la musuq maasuqay ayaa waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka taagan xiisad culus oo ku aadan xildhibaanadaasi. Xildhibaanadani oo gaadhaya ilaa 15 xildhibaan ayaa maanta dhaarintoodii qaarkood lagu geeyey hoolka Baarlamaanka Puntland gaadiid dagaal, kadib...

DHAGAYSO:Beel hor leh oo ku dhawaaqday war ka dhan ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland & C/weli Gaas oo lagu dhagan yahay

GAROWE(P-TIMES)- Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Suldaan Cali iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda gobolka Sanaag oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe ayaa sheegay in fara geli lagu sameeyay xubnihii uu Suldaanku soo xulay isla markaasna xukuumadda Gaas waxay ku eedeeyeen in hawlihii Suldaanka ay fara gelisay. HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA SULDAANKAhttp://puntlandtimes.ca/wp-content/uploads/2019/01/Suldaan-cabasho.mp3

DHAGAYSO:Garowe oo lagu kala baxay & Shacabka oo si adag uga hadlay xildhibaanada cusub xili Isimo badan ay sheegeen…..

GAROWE(P-TIMES)- Kadib markii makhribnimadii maalintii shalay ahayd lagu dhaawaqay liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo doorana ilaa 3-da bishani gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen halka ay dooran doonaan madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland 8-da bisha January ee sanadka 2019 ayaa waxaa soo xulista iyo ansixinta xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa...

Xildhibaanada Baarlamaanka P/land oo doortay gudoomiye KMG & Loolankii doorashada oo bilaabanaya

GAROWE(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu hada ka helayo xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maalintii shalay ahayd lagu dhawaaqay ay si kumeel gaadh ah u sii doorteen gudoomiye Baarlamaan. Gudoomiyaha la doortay ayaa kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waana shakhsiga kaliya ee ugu da’da weyn...

WAR DEG DEG AH: Shirar kala duwan oo hada ka socda Garowe & Xildhibaanada P/land oo la isku wada raacay in meesha laga saaro wixii….

GAROWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee hada aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in kulamo iyo shirar kala duwan ay ka socdaan qaybaha kala duwan ee magaalada Garowe, kuwaas oo u dhaxeeya qaar kamid ah isimadda dhaqanka iyo waxgaradka Puntland. Kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arimo la xidhiidha xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo weli la isku mari la’ yahay kadib markii...

DEG DEG:Doorashada Puntland oo muran gali doonta & Fadeexad hadhayn doonta madaxweyne Gaas “Beelaha Puntland way ku kala dhiman doonaan hadii Gaas…..

GAROWE(P-TIMES)- Xoggo hoose oo ay heshay Puntlandtimes.com ayaa waxa ay sheegayaan in ay socdaan qorshayaal lagu xagal daacinayo doorashada madaxtinimada Puntland oo muran uu hadhayn doono. Madaxweynaha xiligiisu gabaabsiga yahay ee Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid ah xulafadiisa ayaa haatan wada qorshe khal khal ay ku galinayaan doorashada madaxtinimada Puntland, waxaana qaarkood ay xiligani...

LIVE U DAAWO:Ciidamadii ugu badnaa oo la wareegay xarunta Baarlamaanka & Xildhibaanadii shalay lagu dhawaaqay oo hada la dhaarinayo

GAROWE(P-TIMES)- Waxaa hada ka socota xarunta Baarlamaanka Puntland dhaarinta xildhibaanada cusub eeb Baarlamaanka Puntland oo maalintii shalay ahayd lagu dhawaaqay. Tirada xildhibaanada la dhaarinayo maanta ayaa dhan 66 xildhibaan, hasa yeeshee waxaa jira xildhibaano muran ay ku jiraan kuraastooda maadaama isimadda dhaqanku ay ku sheegeen in gudida xalinta khilaafaadka ay baal mareen xildhibaanadii...

DHAGAYSO:Musharax Cali Xaaji Warsame oo war culus kasoo saaray xildhibaanada Baarlamaanka Puntland & Muxuu ka yidhi arimaha haatan….

GAROWE(P-TIMES)- Xili habeenimadii xalay ahayd magaalada Garowe ee caasimada lagaga dhawaaqay liiska xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xildhibaan oo 17 kamid ah ay yihiin Baarlamaankii hore halka 49 xubnood oo kalena ay yihiin xildhibaano cusub ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay musharax madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo kamid ah musharaxiinta loolanka adag ugu jira xilka madaxweynaha...

DAAWO:Somaliland oo war kasoo saartaydoorashada Puntland & Musharax kamid ah musharaxiinta oo ay sheegay in uu….

HARGEYSA(P-TIMES)- Maamulka Somaliland ayaa hadda warkii ugu cuslaa ka soo saaray doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019 iyo hadalada ka soo yeeraya musharixiinta kala duwan gaar ahaan hanjabaaddii General Moorgan. Saleebaan Cali Koorre wasiir katirsan xukuumadda maamaulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in Somaliland aysan musharixiintu hadal waxba kaga qaadi doonin ayna haysato ciidamo iyo hub...

Taliyihii xoreyn lahaa deegaano badan oo hada magacaabay & Ciidamadii qabsan lahaa magaalada oo….

KISMAAYO(P-TIMES)- Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa taliye cusub u Magacaabay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu waddo in ay dhawaan ka bilaabaan gobolka Jubadda dhexe. Taliyaha ayaa lagu Magacaabo Axmed Jaamac Salaad , waxaana uu hoggaamin doonaan howlgallada xoreynta gobolka Jubadda dhexe sidda uu sheegay Wasiirka Amniga Jubbaland oo Warqaddaan soo saaray. Jubbaland...

Ruushka oo xiray nin u dhashay Maraykanka

MOSCOW(P-TIMES)- Ruushka ayaa magaalada Moscow ku xiray muwaadin Maraykan ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas yahay sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka. Hay’adda Adeega Amniga Federaalka Ruushka ee FSB ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Paul Whelan la xiray 28-kii December isaga oo fulinaya ficillo jaajuusnimo ah. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Paul lagu wado baaritaan dambiyeed. Ma...

DEG DEG:Isimo badan oo Garowe ka huleeli doona & Xildhibaanada Baarlamaanka P/land oo lagu kala dhintay + Sabab

GAROWE(P-TIMES)- Kadib markii habeenkii xalay ahayd ay ku dhawaaqeen gudida xalinta khilaafaadka Puntland liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe ka taagan xiisad culus oo ka dhalatay arintaasi, waxaana isimadda dhaqanka Puntland qaarkood ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah iyo dagaal ka dhan ah xubno badan oo kamid ah Baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen in la...

DEG DEG+DAAWO:Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka P/land oo durbaba qaarkood la qaadacay & Garaad Saleebaan oo dagaal culus ku baaqay “Dhiig badan baa ku daadan doona Garowe hadii la dhaariyo”

GAROWE(P-TIMES)- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo kamid ah isimadda dhaqanka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa kasoo hor jeestay shaacinta iyo ku dhawaaqista xubno kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kadib markii la musuq maasuqay xubno badan oo kamid ah. Garaadka oo saqdii dhexe ee habeenkii xalay ahayd shir deg deg ah ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garowe...

WAR DEG DEG AH:Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guriga Garaad Saleebaan & Xiisad ka taagan xildhibaanada Saadiq Abshir Garaad

GAROWE(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo hoyga uu ka degan yahay gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo kamid ah isimadda dhaqanka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal gacan ka hadal ah uu ka dhacay hoygaasi. Dagaalkani ayaa yimid kadib markii caawa lagu dhawaaqay in Saadiq Abshir Garaad...

DHAGAYSO:Haweenka Puntland oo odayaasha dhaqanka waxba u reeban & Baarlamaankii caawa lagu dhawaaqay oo war cusub kasoo kordhay

GAROWE(P-TIMES)- Eng. Sahra Xasan Samatar oo kamid ah haweenka Puntland ee dadaalka xoogan ku bixiyey kasoo muuqdashada gollaha wakiiladda Puntland eedeyn xoogan u jeedisay odayaasha dhaqanka oo ay ku eedaysay in ay duudsiiyeen haweenka Puntland xuquuqdooda, iyadoona sheegtay in caqabada xoogan ee food saartay haweenka ay tahay odayaasha dhaqanka oo muhiimad gaar ah siinaya kasoo muuqashada raga Baarlamaanka...

DEG DEG+DHAGAYSO: Gudoomiyaha gobolka Sool oo hada iscasilay & Sababaha ku kalifay oo uu sheegay in uu……

GAROWE(P-TIMES)- Gudoomiyaha gobolka Sool Abukar C/raxmaan Gelle oo goor dhoweyd waraysi siiyey Idaacadda Radio Garowe ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda Puntland gudoomiyahja gobolka Sool, isagoona sheegay in uu faah faahin dheeraad ah ka bixin doono sababaha ku kalifay is casilaadiisa. HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA http://puntlandtimes.ca/wp-content/uploads/2018/12/Waraysi-gudoomiyaha-gobolka-Sool-oo-hada-iscasilay.mp3 “Laga...

DEG DEG+DHAGAYSO: Xildhibaanadii Puntland ee caawa lagu dhawaaqay oo war culus kasoo kordhay & Xubnihii fara gelinta lagu sameeyey oo hada warbaahinta la hadlay

GAROWE(P-TIMES)- Kadib markii caawa xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe lagaga dhawaaqay liiska 66-da xildhibaan ee noqon doona gollaha wakiiladda Puntland shanta sano ee soo socota ayaa waxaa xubnahaasi qaarkood soo xulistooda ka hadlay Garyaqaan Maxamuud Nuur Muuse oo sheegay in si sharci daro ah looga qaaday xubintiisii oo uu sheegay in uu kusoo baxay sifo sharci ah, hase yaashee...

DHAGAYSO:66-da Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay & Asxaabtii Gaas oo kasoo muuqatay

GAROWE(P-TIMES)-Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhowey lagu dhawaaqay, waxaana gudida xalinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland ay goor dhoweyd warbaahinta la wadaageen liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo maalinta beri ah la dhaarin doono. http://puntlandtimes.ca/wp-content/uploads/2018/12/Liiska-magacyada-66-Xildhibaan-ee-Puntland.mp3

AKHRISO:Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland & 17 hore oo soo laabtay kadib markii…..

GAROWE(P-TIMES)- Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhowey lagu dhawaaqay, waxaana gudida xalinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland ay goor dhoweyd warbaahinta la wadaageen liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo maalinta beri ah la dhaarin doono.