DAAWASHO XASAASI AH: Baarlamaanka Puntland oo dood adag ka yeeshay Arrimaha Daan-daansiga Somaliland

GAROOWE(P-TIMES)- Mudanayaasha baarlamaanka dawladda Puntland oo ku jira kalfadhiga 40aad ayaa dood adag ka yeeshay Amniga & Difaaca xaduudaha guud ee PUntland, waxanaa XIldhibaanadu ay si adag uga doodeen amniga guud in laga shaqeeyo. Mudanayaasha golaha ayaa sidaas oo kale ku dheeraaday ka doodida sugida Xaduudaha iyo xaaladda gobalada maqan oo ay dood kasoo jeediyee. Dooda ayaa lagu soo qaaday...

WAR DEG DEG AH: Kulan xasaasi ah oo dhexmaraya Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya & Beesha Caalamka?

MUQDISHO(P-TIMES) – Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Soomaaliya oo iskugu jira Madaxda dawladda Faderaalka & Madaxda dawlad gobaleedyada dalka ayaa shir xasaasi ah la qaadanaya wakiilada beesha Caalamka ee hadda kusugan magaalada Muqdisho. Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii ay Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaaliya oo mideysan u muujin lahaayeen wada jirkooda, ayna doonayaan in xooga ...

AKHRISO: Maxaad ka og tahay 7 qodob oo ay iskaga mid yihiin dalalka Somalia & Lubnaan?

Kadib is-casilaadda ra’isul wasaarihii lebnon Sacad Al-xariiri, faragelinta uu ka sheegtay in dalal badani ku hayaan Lebnon iyo isku-deyga dil uu ka badbaaday kadib markii xukuumadiisa ku guul-dareysatay hub ka dhigista maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan, waxaa ii soo baxay 7 qodob oo ay iskaga mid yihiin Lebnon iyo Soomaaliya. Qodobadan 2 ka mid ah waa laga soo gudbay, laakin 5-ta qodob ee ugu...

DHAGEYSO: Dawladda Puntland oo si adag uga hadashay Dhacdo Xanuun badan oo ka dhacday magaalada Boosaaso

GAROOWE(P-TIMES)- Dawladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Kiiska gabar dhacdo xanuun badan loogu geystay magaalada Boosaaso, kaas oo uu geystay nin lagu sheegay in uu katirsan yahay ciidamada Puntland, laakiin aan wali si cad loo xaqiijin. Wasaaradda Haweenka dowladda Puntland iyo xafiiska xeer ilaalinta guud oo Garoowe warbaahinta kula hadlay ayaa faah-faahiyey halka ay marayso baarista fal-debniyeed...

XOG CUSUB: Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Duqeyntii diyaaradeed ee lagu qaaday DAACISH-ta kusugan Buuraleyda G Barri.

BUQA(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn diyaaradeed oo ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen todobaadkii hore buuraleyda deegaanka Buqa oo 60KM u jirta magaalada taariikhiga ah ee Qandala, laguna weeraray kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee DAACISH. Duqeyntaas ayaa dhacday labo xili oo kala durugsan, waxaana mid ay dhacday habeenimo xili ay shirayeen horjoogayaasha kooxdaas...

FALANQEYN CUSUB: Shirkii Muqdisho ee DF & DF ayaa guuleystay, Yaase laga guuleystay?

MUQDISHO(P-TIMES)- Shirkii hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaalida ee shalay lagu soo gaba-gabeeyey magalada Muqdisho, ayey mudo 8 maalmood ah is horfadhiyaan Hogaamiyashan, waxay ka wada hadlayeen sidii go’aamo mideysan looga gaari lahaa geedi socodka Amniga, Siyaasadda, mashaariicda, Faderaalka & Siyaasadda ku saleysan arrimaha dibada. Dood dheer oo ay galeen dhinacyadu ka sokow, waxaa hadda la...

DEG DEG: Shariif Xasan Sh Aadan oo si deg deg ah ugu dhoofaya Baydhabo & Warar soo kordhay.

BAYDHABO(P-TIMES)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan xubno katirsan golaha baarlamaanka Faderaalka ayaa goor dhaw laga sugayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah oo ay ka taagan tahay xiisad ku aadan xilka qaadistiisa. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ah xariif ku xeeldheer sidii loo kala fur-furi lahaa dadka ka soo horjeeda waxaa sugeysa shaqo adag oo ah in uu...

DHAGEYSO: Maxaa dhexmaray Guddiga Difaaca ee baarlamaanka Faderaalka & Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed?

MUQDISHO(P-TIMES)- Guddiga Difaaca ee baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa u yeeray taliyaha ciidamada Xooga dalka, si ay wax uga weydiiyaan xaaladda ciidamada xooga dalka iyo khataraha amni ee dalku kuwajahan. Shirkan oo saxaafadu dibad-joog ka ahayd ayaa mudadii uu socday waxaa falanqeyn lagu sameeyey warbixino la xariira dhanka Amniga oo ay is dhaafsadeen guddiga & Taliyaha ciidamada Xooga...

DHAGEYSO: M/weynaha Puntland oo ka hadlay Duqeyntii G Barri & Xaaladda Horjoogaha DAACISH ee la beegsaday

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyey idaacada VOA-da qeybta Afka Soomaaliga ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraleyda gobalka Barri, gaar ahaana deeganka lagu magacaabo Buqa. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in weerarkaas uu ka badbaaday Cabdulqaadir Muumin oo ah horjoogaha kooxdan Argagixisada ee...

Yuu Ahaa Ninkii Dadka Ku Laayay Kaniisad Ku Taalay Mareykanka ,Xogtiisa Iyo Sawiradiisa Ayaa La Helay

Waxaa la shaaciyay magaca shaqsigii dadka ku laayay weerarkii kaniisad ku taal gobolka Texas ee Mareykanka Weerrakaas ayaa axaddii waxaa ku dhintay 26 qof waxaana magaca dilaagaas lagu sheegay Devin Patrick Kelley oo ah 26 sano jir ka soo jeeda magaalada New Braunfels ee Mareykanka. Dambi baarayaasha Mareykanka oo haatan tir tiray akoonkii Facebook ee Patrick Kelley ayaa waxaa laga helay in 29-kii...

XOG CUSUB: Hubkii ugu faraha badnaa oo kusoo wajahan Muqdisho & M/weyne Farmaajo oo magacaabay Guddi la wareega

MUQDISHO(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in duulimaadyadii ugu badnaa oo hub ah ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka imaanaya dawladda Masar oo dhawaan balan-qaadkaas u sameysay Madaxweynaha Soomaaliya. Xogta soo gaartay Puntlandtimes ayaa cadeynaysa in hubkaas ay keeni doonaan 10 duulimad diyaaradeed oo kasoo dagaya garoonka Muqdisho, qeybta u xiran ciidamada...

XOG XASAASI AH: Ciidamada Difaaca ee Puntland oo heegan culus la galiyey & Xubno muhiim oo la dilay qaarna la qabtay

GAROOWE(P-TIMES)- Ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland ayaa heegan buuxa la galiyey saacadihii ugu dambeeyey, waxaana la kordhiyey diyaar-garowga lagu wajahayo goobaha lagu tuhmayo kooxaha ka soo horjeeda Amniga iyo horumarka Puntland ee DAACISH & Al- Shabaab. Ciidamada ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay qaaday howlgalo waa weyn, gaar ahaana waxaa laga fuliyey buuraleyda Caalmadow & barriga gobalka...

LA OGAADAY: DF Somalia oo Dab ku shiday Shariif Xasan Sh Aadan & PTIMES oo heshay xog cajiib ah

MUQDISHO(P-TIMES)- Loolankii ugu adkaa ayaa ka socda Xarunta Madaxtooyada & Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo, kaas oo u dhaxeeya xildhibaano labo garab oo ay kala noqdeen mudanayaasha baarlamaanka Koonfur Galbeed. Labada garab waxay la kala baxeen ‘’Badbaadinta Koonfur Galbeed oo ah xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweynaha maamulkaas & MIDNIMO Koonfur Galbeed oo ah madal kulmisay saaxiibada...

DHAGEYSI XASAASI AH: M/weyne Gaas oo si adag qodobadii soo baxay & Fariin adag u diray Madaxda DF Soomaaliya

Madaxweyna dawladda Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS waxa uu maanta 05 Nov 2017 kahadlay xidhitaanka shirka wada tashiga DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS kaas oo ay kasoo baxeen qodobo is af-gara heshiis. Madaxweynaha Puntland ahna Guddomiya...

AKHRISO: Hogaamiyaasha DG & DF Soomaaliya maxay ka dhaheen Doorashada Somaliland?

MUQDISHO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ee kushirsanaa 8 maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ayaa soo dhaweeyey hanaanka doorashooyinka qofka iyo codka ah ee kadhici doona Somaliland todobaadka nagu soo aadan. Warsaxaafadeedka laga soo saaray shirka ayaa loogu hambalyeeyey Somaliland, waxaana lagu sifeeyey in ay gaareen biseyl siyaasadeed oo ay tahay in ay adkeystaan, kana shaqeeyaan...

FAALADDA WARKA: RW Kheyre oo ka gaabiyey Balan-qaadyo uu sameeyey iyo La xisaabtamka Wasiiradda

MUQDISHO(P-TIMES) – Xukuumadda Isla-xisaabtan ee ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxaa muddadii ay jirtay dalka ku soo kor-dhisay barnaamijyo badan oo isla xisaabtan ah iyadoo arrinkaasi ay qeyb ka ahayd ballan-qaad uu ka sameeyay golaha shacabka hortiisa bishii March 1, 2017-kii kolkaas oo codka kalsoonida la siiyay wasiirrada. Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu sheegay inuu ballanqaadayo...

AKHRISO: Qodobada ka soo baxay Shirka Hogaamiyaasha Siyaasadda DF & Dawlad gobaleedyada oo kusoo dhamaaday Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya ee kushirsanaa 8 maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ayaa soo gabagabeeyey shirkooda, waxayna soo saareen warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Warsaxaafadeedka laga soo saaray shirka ayaa looga hadlay Amniga, Dastuurka, Faderaalisimka, Doorashada 2020-ka, Doorashada Somaliland iyo Xaaladdaha wada shaqeynta dhinacyada. Madaxweynaha...

AKHRISO: Madaxda Siyaasada Soomaaliya oo soo saaray go’aamo xasaasi ah

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxda dawladda Faderaalka & Golaha Iskaashiga dawlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa soo gaba-gabeeyey wada hadaladii ay 8 maalmood ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa akhriyay War murtiyeedka ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Qodobada lagu heshiisyay ayaa waxaa...

XOG CUSUB: Ciidamadii ugu badnaa ee kasocda Itoobiya oo soo gaaraya Afgooye, kuna sugaya Amar dagaal.

MUQDISHO(P-TIMES)- Sidda ay sheegayaan wararka laga helayo gobalka Gedo iyo Madaxtooyada Soomaaliya, ciidamadii ugu badnaa ee kasocda dawladda Itoobiya ayaa soo gaari doona todobaadkan iyo bilowga todobaadka dambe degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Ciidamadan qeyb badan oo kamid ah ayaa ka soo gudbay xaduuda labada dal, gaar ahaana dhinacyada gobalada Baay, Bakool & Gedo, ujeedkuna...

AMISOM oo banaanka soo dhigtay Amar uga yimid M/weyne Farmaajo, Yeyse u sheegayaan?

MUQDISHO(P-TIMES)- Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay heleen amar uga yimid dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuna amray in ay ka baxaan xaaladda Difaac ee ay kusugan yihiin. Afhayeenka AMISOM oo la hadlay Idaacadda GOOBJOOG ee Muqdisho ayaa u sheegay in ay heleen amarka Madaxweynaha Soomaaliya, oo ay hadda darsanayaan...