DAAWASHO XASAASI AH: Siyaasi Cali Mareykan oo si adag ugu jawaabay Waraabe iyo Biixi, Hambalyana u diray ciidamada Difaaca PL

Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali Maraykan) oo maanta warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah. Siyaasigaan oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, Khaatumo iyo SSC ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq, hadalada xanafta leh ee ka soo yeeraya...

DABAGALKA WARKA: Dagaalka Somaliland & Puntland maku ekaan doonaa deegaanka Tukaraq, Mise ku joogsan doonaa si fudud?

LAASCAANO(P-TIMES) – Shaki ma saarna in dhinacyada Somaliland & Puntland ay hadda wali gacmaha kula jiraan abaabulka dagaalo cusub oo markale ay ku dagaalamaan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, ka dib labo dagaal oo dhacay shalay iyo 15-kii bishan, kuwaas oo khasaaraha ka dhashay oo kor u dhaafayo dhaawacyada Boqolaal dhinacyada dagaalamayey ah. Puntlandtimes.com waxay ogaatay in miisaaniyad...

XOG DEG DEG AH: Taliska Ciidamada SL oo labo garab u kala jabay & Taliyayaal ka baxay Jiida dagaalka, ka dib markii…

LAASCAANO(P-TIMES)- Xog deg deg ah oo ay Puntlandtimes.com ka heshay gudaha deegaanka Gambara iyo Taliska ugu sareeya ee ciidamada Somaliland ayaa sheegaya in uu fashil kusoo dhamaaday kulan deg deg ah oo ay xalay yeesheen saraakiisha ugu sareysa taliska ciidamada Somaliland, kaas oo ay uga wada hadlayeen sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen dhinaca Puntland, waxaana meel sare gaaray khilaafka huursanaa...

WAR CUSUB: Puntland oo soo bandhigaysa gaadiid dagaal & Maxaabiis ay ka qabatay Somaliland, Maxayse ka og tahay PTIMES?

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in Dawladda Puntland, gaar ahaana guddigeeda Difaaca ay soo bandhigi doonaan gaadiid dagaal, hub iyo maxaabiis laga qabtay Somaliland dagaalkii cuslaa ee shalay dhacay, isla markaasna ay saxaafadda la wadaagi doonaan. Guddiga Difaaca ee Puntland ayaa kulan arrintan ka yeeshay subaxnimadii hore ee Jimcaha maanta, waxayna isku afgarteen in saxaafadda...

XOG CUSUB: Somaliland oo bilowday in ay qasab kusoo dagaal-galiso Dhalinyarro & Caruur aan askarnimo gaarin, ka dib dagaalkii shalay..

HARGEYSA(P-TIMES)- Wararka ay Puntlandtimes.com ka helayso deegaanada kuyaala Koonfurta magaalada Burco ayaa sheegaya in ay halkaas ka bilowday Somaliland raaf ay ku sameynayso qof kasta oo awood u leh in uu qaado qoriga dagaalka ee loo yaqaano AK-47-ka iyo nooc kasta oo hub yahay, ka dib markii shalay si adag loogu jabiyey dagaal culus oo ka dhaca deeganada gobalka Sool. Goobjoogayaal la hadlay Puntlandtimes.com...

DEG DEG+DHAGEYSO: Waxgaradka & Cuqaasha Buuhoodle oo Ku dhawaaqay war kusaabsan Dagaalka G Sool, cadeeyeyna.

BUUHOODLE(P-TIMES)- Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn waxay ku dhawaaqeen mawqifkooda ku aadan dagaalka gobalka Sool kasocda, waxayna sheegeen in ay ku bixinayaan naftooda iyo maalkoodaba, loona baahan yahay in ay shacabku hubka gurtaan. Odayaashan waxay sheegeen in ay Somaliland maalinba duulaan gardarro ah kusoo qaado Shacabka Puntland, maantana ay tahay waqtigii...

DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyey ee saaka kataagan Jiidaha Dagaalka & SL oo isku dayaysa weerar kale, ka dib jabkii shalay..

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeyey ee saaka naga soo gaaraya Jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada dawladda Puntland & kuwa maamulka Somaliland ayaa sheegaya in uu ka jiro daganaansho aan cago badan ku taagneyn, xili kastana la filan karro dagaal kale oo ka dhex qarxa labada dhinac. Hubka culus ayaa la maqlay aroornimadii hore ee saaka, waxaana ilaa hadda wararku sheegayaan...

FAAHFAAHIN: Wararkii ugu dambeeyey ee Jiidaha dagaalka ee G Sool, Maxaa ka socda caawa? Maxaase laga filan karaa berrito?

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeeyey ee caawa aan ka helayno jiidaha dagaalka ee gobalka Sool iyo magaalooyinka Laascaano & Garoowe ayaa faahfaahin ka bixinaya dagaaladii maanta dhacay oo khasaarahooda ay dhinacyadu kala ogaanayaan iyo xogaha ku saabsan sidda uu berrito jawi noqon doono. Ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland ayaa ku jira heegankii ugu sareeyey, markii ay ciidamada Somaliland...

DEG DEG: Beesha Caalamka oo war deg deg ah ka soo saartay Dagaalka Tukaraq

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan iskudhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee maanta ka socda agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin degdeg ah. Sida ay wararku sheegayaan, dagaal culus ayaa aroortii saaka ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo ‘Somaliland’, waxaana lagu soo warramayaa...

DHAGEYSI XASAASI AH: Wararkii ugu dambeeyey ee Jiidaha Dagaalka, Maxaase socda, Maxaa la kala qabsaday & Warbixin dhameystiran?

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeeyey ayaa ka soo baxaysa dagaal socday mudo ka badan 6 saacadood oo si toos ah uga dhex socday Puntland & Somaliland, kaas oo galaaftay ilaa hadda inta la og yahay dad ka badan 30 Askari oo ah dhinacyadii dagaalamayey, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 100 Askari, kana dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool. Wariyaasha PUntlandtimes.com ee kusugan magaalooyinka...

XOG RASMI AH: Maxaad ka og tahay Khasaaraha rasmiga ah ee maanta ka dhacay dagaaladii dhexmaray Puntland & Somaliland?

BURCO/GAROOWE(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes ayaa baaris rasmi ah saacado bandan-na qaadatay ku sameeyey khasaarihii ka dhashay dagaalo culus oo dhexmaray dhinacyada Puntland & Somaliland maanta kaas oo ka cuslaa kii dhacay 15-kii bishan oo ay dhinacyadu ku dagaalameen deegaankan markale. Puntlandtimes.com waxay xariiro kala duwan la sameysay Maamulayaasha Isbitaalada Caafimaadka ee Caynaba,...

DHAGEYSI XASAASI AH: Goobjooge kusugan Tukaraq oo kala cadeeyey cidda haysata deegaankaas, Muxuuse Indhihiisa ku arkay oo khasaare ah?

TUKARAQ(P-TIMES)- Mid kamid ah dadka Goobjoogayaasha ee kusugan deegaanka Tukaraq, gaar ahaana inta u dhaxaysa Gambara iyo deegaankaas ayaa sheegay in ay deegaankaas hadda gacanta ku hayaan ciidamada Puntland. Goobjoogahan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in ay arkayeen khasaare fara badan oo ay Somaliland u qaaday dhinaca deegaanka Gambara, isagoo sheegay in ay ciidamada Puntland 10KM ka durkeen...

Hubka culus oo La maqlayo & Buundadii ay ku jireen ciidamada SL oo Qiic iyo Uuro laga arkayo.

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Tukaraq ayaa sheegaya in madaafiic culus laga maqlayo aagaga dagaalka, waxaana ciidamada Puntland si rasmi ah loo xaqiijiyey in ay kusugan yihiin dhamaan difaacyadii ay maanta qabsadeen oo aysan jirin wararka sheegaya in ay dib uga soo baxeen. Goobjooge kusugan galbeedka Buundada ay ku jiraan ciidamada Somaliland ayaa sheegay in uu maqlay duqeyn...

XOG+AKHRISO: Ciidamadii RRU ee Somaliland oo maanta si adag loogu jabshay Dagaalka Sool, kuna waayay Taliyayaal muhiim ah.

LAASCAANO(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com oo xiganaya saraakiil kusugan labada dhinac ee Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo dhexmaray ciidamada labada dhinac, ay ka qeybgaleen ciidamada loo yaqaano RRU-da ee ay tababarada iyo lacagaha ku bixiyaan wadamada Caalamka qaarkood. Ciidamadan oo maalmihii ugu dambeeyey lasoo waday furimaha dagaalka ayaa saaka ka dagaalamay...

DEG DEG+DAAWO: M/weynaha Somaliland oo si aan looga baaran maanta uga hadlay Dagaalka Tukaraq, ka dib Dharbaaxadii kasoo gaartay.

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo 08 Jan 2018 amray in ay ciidamadiisu tagaan deegaanka Tukaraq oo ay maanta ka bilowdeen dagaalo xoog leh ayaa ka hadlay dagaalkan, wuxuuna si aan horey looga baran uga hadlay dagaalkan, isagoo sheegay in walaalahooda Puntland ay weerar ku soo qaadeen. Muuse ayaa adeegsaday kalmada ah walaalaheena, isagoo horey u adeegsan jiray...

DEG DEG+DAAWO: Hubkii laga furtay Somaliland oo Garoowe lagu soo bandhigayo & PTIMES oo heshay Tiradda

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in hadda magaalada Garoowe la keenay 8 kamid ah baabuurta dagaalka oo laga soo qabtay ciidamada Somaliland, oo saaka aroornimadii hore duulaan kusoo qaaday ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland. Gaadiidka dagaalka ee lasoo qabtay waxaa ka mid ah Qoryaha Zuu-ga oo 4 baabuur ah iyo Beebayaasha dagaalka oo ilaa hadda 2 baabuur ah, waxaana laga...

DEG DEG: Dhaawacyadii ugu badnaa ee SL oo hadda la gaarsiiyey Isbitaalka Burco, Bandow lasoo rogay & Tiradda dhaawacyada…

BURCO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda Isbitaalka magaaladaas la geeyey dhaawacyada in ka badan 150 Askari oo katirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaas oo lagu dhaawacay dagaalka kasocda gobalka Sool. Baabuurta gurmadka deg deg ah oo gaaraya 25 gaari iyo 4 baabuur oo nooca xamuulka ah ayaa laga qaaday deegaanka...

DEG DEG+LIVE: Dawladda PL oo hadda qabanaysa shir jaraa’id oo deg deg ah

Afhayeenka Dawladda Puntland Cabdullaahi Quraanjecel ayaa hadda shir jaraa;id ku qabanaya xarunta Telefeshinka iyo Raadyaha dawladda Puntland.

WAR DEG DEG AH+DHAGEYSO: Dawladda PL oo ku dhawaaqday guul dagaal, shaacana ka qaaday in Laascaano ciidamadu kuwajahan yihiin

TUKARAQ(P-TIMES)- Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo kamid ah guddiga Difaaca ee dawladda Puntland, kuna sugan jiidaha hore ee ay dagaaladu ka socdaan oo la hadlay warbaahinta dawladda Puntland, Puntlandtv/RADIO ayaa u sheegay in ay horumar weyn oo dagaal gaareen ciidamada Difaaca ee dawladda. Wasiirka ayaa sheegay in ay gaadiid dagaal iyo maxaabiisba ka qabteen Somaliland,...

Dagaalkii oo mar kale sii xoogeystay, Hub xoog badan oo la maqlayo, Maleeshiyada S/land oo jid baneysanaya iyo Xogihii u dambeeyey

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaalka ka socda inta u dhaxaysa Tukaraq & Gambara, waxaana la xaqiijiyey in ay maleeshiyada Somaliland ay hadda xooga saarayaan sidii ay u furan lahaayeen jid ay kula baxsadaan gaadiidkooda dagaalka, gaar ahaana dhinaca deegaanka Dhoodida Nugaasha loo yaqaano, waxaana bilowday dagaal...