XOG RASMI AH: Cabdiweli Gaas oo booqday Jiidaha hore ee G. Sool, muxuuse la kulmay?

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa subaxnimadii hore ee Talaadada booqday taliska ciidamada difaaca Puntland ee kusugan duleedka deegaanka Tukaraq oo ay Somaliland qabsatay bilowgii sannadkan, Xukuumadiisuna marar badan sheegtay in ay soo celinayso. Madaxweynaha Puntland oo ay safarkiisan ku wehliyeen wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda gobalka Sool, ayaa la kulmay...

XOG RASMI AH: Isimadda gobalada Sool, Sanaag & Cayn oo maanta go`aan mideysan ka qaadanaya Xaaladda Puntland.

GAROOWE(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu  ogaaday in ay socdeen saacadihii lasoo dhaafay kulamo khaas ah oo ay lahaayeen Isimadda gobalada Sool, Sanaag & Cayn oo kuwajahan xaaladda gobaladaas iyo arrimaha xulida golaha baarlamaanka Puntland sidii ay ka yeelayaan, waxayna maanta ku beegan tahay 11 sanno guuradii kasoo wareegtay markii ay inta badan Isimadaas ka qaxeen magaalada Laascaanood. Xogta...

WARBIXIN: Cabdiweli Gaas & Cali Xaaji oo ku loolamaya G. Mudug iyo Arrimaha xiisaha u yeelaya Dagaal siyaasadeedkan.

GAALKACYO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in ay todobaadkan iyo kan soo socda bilowgiisa ay Gaalkacyo tagi doonaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame, oo horey ugu tartamay doorashadii 2014-kii, mar kalena waqtigan u orday xilkan. Xogta soo gaartay Puntlandtimes.com waxay daaha ka rogaysaa in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli...

WARBIXIN+XOG: Puntland & Somaliland oo Dagaal isku diyaarinaya Iyo Cabsi laga muujiyey.

LAASCAANO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in maamulada Puntland & Somaliland oo labaduba ciidamadoodu mudo ku dhaw sannad isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, ay isku diyaarinayaan dagaal cusub oo dhexmara labada dhinac todobaadyada nagu soo aadan, xili ay gudahooda kaga furan yihiin xasarado siyaasadeed oo xoog leh. Xog laga helay mid kamid ah Safaaraddaha daneeya...

AKHRISO: Qaar kamid ah Saaxiibada M/weynaha PL oo Xildhibaano ka raadsanaya G Mudug, Xili Isbitaalo daawo la’aan ka jirto?

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxtooyada Puntland ayaa dhaqaale badan ku bixinaysa xubno daacad u ah, si ay uga mid noqdaan Xildbibaanada Baarlamaanka Puntland ee la soo xulayo, waxaana in badan oo kamid ah saaxiibada Madaxweyne Gaas loo kala diray gobalada oo dhan, taas oo ka dhigan damaca ku aadan in musharaxnimada Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyadda ayaa soo gaaray...

AKHRISO+CADEYN: Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ku guuleystay ka mid noqoshada baarlamaanka Puntland ee 2019-ka.

QARDHO(P-TIMES)- Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah Siyaasiinta Puntland ayaa beeshiisu u wakiilatay in uu ka mid noqdo mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee hadda xulidoodu ka socoto gobalada kala duwan, doorana doona madaxda cusub ee Puntland bilowga sannadka 2019-ka. Waxgaradka guud ee beelaha Muuse Suldaan, Ismaaciil Suldaan iyo Guuleed Cumar ee beesha Cismaan Maxamuud ayaa isku raacay in Siyaasigan...

XOG: Puntland oo sheegtay in ay gaadiid dagaal ka gubtay Somaliland, kana hadashay Dagaaladii u dambeeyey

GAROOWE(P-TIMES)- Taliyaha ciidamada Keydka ee Puntland Col, Cumar Faraweyne iyo gudoomiyaha gobalka Sool siyaabo kala duwan ula hadlay Puntlandtimes.com ayaa guul ka sheegtay dagaal fiidnimadii xalay ka dhacay deegaanka Tukaraq oo ay mudo ka badan 9 bilood isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul ee Somaliland iyo Puntland. Taliyaha ciidamada Keydka ayaa sheegay in weerarkaas dhankooda uusan kasoo...

WAR DEG DEG AH: Puntland oo sheegtay in ay Khasaare gaarsiisay Somaliland, kuna dhawaaqday..

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay maalinta berri ah haddii Alle idmo faahfaahin buuxda ka bixinayso dagaal ambush ay ku sheegtay oo caawo ka dhacay degaanka Tukaraq. Wasiiro ka tirsan Puntland oo aan la hadlay waxay ii xaqiijiyeen in dagaalku u dhexeeyay ciidamo Puntland oo degaanka ka soo jeeda iyo militariga Somaliland. Sidoo kale waxay sheegeen in Somaliland khasaare la gaarsiiyay oo askar laga...

DEG DEG+DAAWO: Xildhibaano katirsan baarlamaanka PL oo ka digay Mooshin ay wadaan Xildhibaano kale oo xasaasi ah.

GAROOWE(P-TIMES)- Mudanayaasha baarlamaanka Puntland qaar kamid ah ayaa ka digay qorshe ay wadaan xildhibaano kale oo isla golahaas ka tirsan kuna doonayaan in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka deegaanadaas, iyadoo uu dhamaad yahay mudo xileedka golaha baarlamaanka. Xildhibaanadan ayaa doonaya in la sameeyo wax ka bedelka dhanka awoodaha Madaxweyne ku ah, waxayna xooga saarayaan in la sameeyo labo...

WARBIXIN+XOG: Loolanka Xildhibaanada Puntland oo meel adag gaaray, Gaas iyo Camay oo lug kuleh & Lacag gaaraysa Boqolaal Kun oo la adeegsaday.

GAROOWE(P-TIMES)- Loolan adag oo xagga xildhibaanada Puntland ah ayaa ka socda mandiqada, waxaana ilaa hadda loolanka ugu badan uu ka socdaa gobaladda Barri, Nugaal & Mudug oo ay rag iyo gabdho badan ku tartamayaan sidii ay u noqon lahaayeen cidda beelahooda matalaysa doorkan baarlamaanka mandiqadaas. Si weyn ayaa isha loogu hayaa Isbedelada iyo arrimaha Xildhibaan-raadinta ah ee ay wadaan dhinacyo...

DAAWO: Musharax Jen, Shaale oo kulan casho sharaf ah u qabtay Waxgaradka & Jeneraalo ciidan kuna qabtay Garoowe

GAROOWE(P-TIMES) – Musharax Jen Maxamed Axmed Jaamac (Shaale) oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa kulan casho sharaf ah ugu qabtay magaalada Garoowe, Isimo, waxgaradka, Siyaasiin iyo Jeneraalo ciidan, waxaana intii uu socday kulanka looga hadlay arrimaha uu qaban doono Musharaxu. Jen, Shaale oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey Isimadda, Waxgaradka iyo Jeneraalo...

XOG: Madaxda Puntland oo ka wada hadlaya rrimaha dagaalada gobalka Sool, Maxaase kasoo baxaya kulamadooda?

GAROOWE(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in saacadihii lasoo dhaafay ay jireen kulamo gaar-gaar ah oo dhexmaray Madaxda Puntland, kuwaas looga hadlayay arrimaha ku saabsan gobalka Sool, gaar ahaana is hor fadhiga ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland. Warar hoose ayaa sheegaya in ay madaxda Puntland ee ugu sareeya gaar ahaana Madaxweynaha, Guddiga Difaaca iyo Saraakiisha...

XOG RASMI AH: Xaggee ku dambeeyey khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeyey Taliyaha Ciidamada Puntland iyo M/weynaha Puntland?

GAROOWE(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu xaqiiqsaday in uu jiray khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Jen, Siciid Maxamed XIrsi, kuna wajahnaa arrimaha dagaalada ee gobalka Sool oo ay dhinacyadu aad iskugu hayeen. Warsiduhu wuxuu ogaaday in taliyaha ciidamada Puntland Jen, SIciid dheere u gudbiyey...

XOG: M/weynaha Puntland oo Garoowe dib ugu laabanaya iyo Amniga Bosaso oo wali howlgalo ka socdaan.

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mudo xileedkiisu gabaabsi yahay ayaa soo gabagabeeyey socdaal uu kujoogay magaalada Boosaaso, waxaana uu dib ugu laabanayaa caasumada maamulkaas ee Garoowe. Madaxweynaha ayaa dhawaan booqasho ku tagay gobalada Barri, Karkaar iyo Sanaag, waxaana uu la kulmay waxgaradka iyo Isimadda dhaqanka oo ay wada hadalo ka yeesheen arrimaha...

DAAWO: Warar xiiso leh oo ku saabsan Doorashooyinka Puntland ee 2019-ka.

GAROOWE(P-TIMES) – Puntland ayaa diyaar garow ugu jirta qabashada doorashooyinka baarlamaanka & Madaxtooyada oo  lagu galayo habka qabaa`ilka markii lagu guuldareystay in laga dhabeeyo balan qaadyadii ku saabsanaa xagga Dimuquraadiyadda. Si weyn ayaa loogu foogan yahay arrimaha ku saabsan doorashooyinkan, gaar ahaana waxaa xooga la saarayaa Xildhibaanada iyo Madaxweynaha, waxaase wali taagan...

WAR DEG DEG AH+AKHRISO: Puntland oo raaligalin u dirtay Madaxda & Shacabka Koonfur Galbeed, ka dib hadal kasoo yeeray M/weyne Gaas

Warsaxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay arrimaha ku saabsan hadal uu jeediyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ka dib markii ay shacabka iyo siyaasiinta gobalada Baay, Bakool & Shabeelaha Hoose dhibsadeen Khudbadaas oo erayo kamid ah ay dhibsadeen.

DHAGEYSI XASAASI AH: M/weynaha Puntland ”Boosaaso haddii aysan jirin, Puntland ma jirayso”

BOOSAASO(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwei Maxamed Cali oo ka hadlayay magaalada Boosaaso maanta ayaa soo qaaday marxaladda Amniga ee magaaladaas oo ay isla maantaba ka dhigeen dil loo geystay qaar kamid ah Ilaaladiisa. Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Amniga Boosaaso oo wanaagsanaada ay la macno tahay Amniga guud ee Puntland oo hagaaga, isagoo sidaas oo kale ka hadlay arrimaha looga...

Mid kamid ah Wasiiradda PL oo is casilaya & PTIMES oo heshay Xog xasaasi ah.

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa 22 April 2018 ee sannadkan baahiyey in wasiiro katirsan Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo aan labadii sanno ee u dambeysay la dhacsaneyn siyaasadiisa ay bilaabi doonaan is casiladooda bisha October, ayna kaga harayaan tareenka Xukuumadaas. Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyey in ay dhab tahay iscasilaada wasiirka Deegaanka...

M/weynaha PL oo ku sii jeeda Boosaaso, Xili Ammaanka walaac laga muujiyey.

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maamed Cali Gaas ayaa maanta kusii jeeda magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland, waxaana uu soo gabagabeynayaa safar uu ku tagay gobalka Sanaag, gaar ahaana magaalada Baran. Madaxweynaha Puntland oo ay socdaalkiisa Boosaaso ku wehlin doonaan xubno katirsan golayaasha dawladda, ayaa lafilayaa in uu maalmaha uu joogo uu la kulmo la yeesho laamaha...

CADEYN: Mudane katirsanaa baarlamaanka Somalia kana soo jeeday PL oo is casilay, Yuuse u baneeyey booskan?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu is casilay si hoose-na guddoonka baarlamaanka qoraalkiisa ugu gudbiyey Xildhibaan Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ka soo jeeda Puntland, kana tirsanaa baarlamaanka Faderaalka, kana soo galay gobalka Sanaag. Xog soo gaartay Puntlandtimes.com waxay daaha ka rogaysaa in Xildhibaan Dhahar uu booska u baneeyey Wasiirka qorsheynta ee dawladda...