WAR DEG DEG AH: Taliye kuxigeenkii ciidamada Booliska Puntland oo lagu dhawaacay Buura-Wadal & Warar ka soo baxaya

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasumada maamulka Puntland ayaa sheegaya in goor dhaw lagu dhaawacay deegaanka Buurawadal Taliye kuxigeenka koowaad ee ciidamada Booliska maamulkaas, waxaana la xaqiijiyey in dhaawaciisa la geeyey magaalada Garoowe. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sidda uu ku dhaawacmay Taliye kuxigeenka 1aad ciidanka Booliska Puntland, iyadoo...

DHAGEYSO: Mid kamid ah xubno shalay M/weyne Gaas ku eedeeyey musuqmaasuq oo si adag u hadlay

Maxamuud Siciid Cartan (Balcad) oo ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland,  uu shaqada ka eryay madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagoo ku eedeeyey inay galeen musuqmaasuq ayaa ku tilmaamay eedaynta madaxwaynaha Puntland mid suncad xummo ah, islamar ahaanataana aan wadan wax cadayn ah. Waraysi uu siiyay radio Daljir Maxamuud Siciid Cartan...

DHAGEYSO: Maxkamaddaha G Banaadir oo ka cabanaya Xildhibaano & Wasiiro faragalin ku haya Arrimaha Garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi ayaa eedeyn u soo jeediyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay inuu shaqadii loo xilsaaray uu ka wadi la’ yahay. Dr. Aways oo maanta warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaano mar walba soo fara galiya kiisaska...

WAR CUSUB: Ciidamada DF Soomaaliya oo Heegan sare lagaliyey & Dadkii Afduubtay oo la baadi-goobayo

MUQDISHO(P-TIMES)- Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya qeybahooda kala duwan ayaa heegan sare la galiyey si loo xaqiijiyo Ammaanka, gacantana loogu dhigo kooxihii ka dambeeyey Afduub loo geystay xalay mid kamid ah Shaqaalaha Gargaarka una dhalatay dalka Jarmalka. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaris xoog badan wadaan oo ay hadda gacanta ku dhigeen...

XOG MUHIIM AH: Madaxda PL & SLAND oo laga hadlay in aysan qaadin wax talaabo dagaal ah, Miiska wada xaajoodyadana ay aadaan.

GAROOWE/HARGEYSA(P-TIMES)- Saan-saanta colaadeed ee u dhaxaysa ciidamada maamulada Puntland & Somaliland ayaa sii kordhayey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay ciidamada Somaliland qabsadeen deegaanka Tukaraq oo masaafo dhan 65KM u jirta caasumada Puntland ee Garoowe bilowgii sannadkan, waxaana ilaa xiligaas jirtay in labada dhinacba ay ku jireen diyaar garow dagaal. Puntland ayaa soo saartay...

Hay’adda ICRC oo war ka soo saartay Shaqaale looga Afduubtay Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Afduub xalay fiidkii loo geystay Haweeney ajnabi ah oo u shaqeyneysay Hey’adda ICRC, iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo howl gallo lagu baadigoobayo haweeneydaas.Haweeneyda ayaa u dhalatay dalka Jarmalka, waxaana ay aheyd kalkaaliso caafimaad, waxaana xalay fiidkii laga afduubtay xarunta ICRC ku leedahay Muqdisho. War saxaafadeed ka soo baxay ICRC ayaa waxaa walaac...

WARBIXIN: DFS oo lagu dhaliilay Dibu dhiska ciidamada Xooga dalka, laguna tilmaanay in ay Hanjabaad uun wado & Xogo kale.

BRUSSELS(P-TIMES)- Warbixino laga soo aruuriyey Soomaaliya, shalayna laga baahiyey shirka Ammaanka & Siyaasadda ee looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, uuna martigaliyey Guddiga Ammaanka iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub ayaa lagu tilmaamay ciidamada dawladda Faderaalku in ay yihiin kuwa aan u diyaarsaneyn la wareegida Ammaanka iyo waqtiga kala guurka ah toona. Warbixinadu waxay daaha ka rogeen musuqmaasuq,...

DAAWO: Gabdhaha Wariyaasha ah ee Soomaaliya oo ka jawaabay Daraasad laga sameeyey oo Sharaftooda meel uga dhacday

MUQDISHO(P-TIMES)- Qaar kamid ah Gabadhaha Wariyaasha ama Saxaafadda ka shaqeeya ee kusugan gudaha Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay Daraasad la sheegay in laga sameeyey gabdhaha Saxaafadda Soomaalida ku jira oo la kulma dhibaatooyin badan oo la xariira in sharaftooda lagu bahdilo. Daraasadda oo lagu baahiyey Idaacadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, laguna qoray Buug dhameystiran waxaa ku jira in...

DAAWO SAWIRRO+XOG: Maxaa ka soo baxay shirkii looga hadlayay Ammaanka & Siyaasadda Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyey Xarunta Midowga Yurub.

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Soomaaliya, Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo ee xagga ammaanka Qaranka iyo Wakiilo ka socda dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa tan iyo shalay wada hadal kulalahaa magaalada Brussels xubnaha Midowga Yurub, oo ay ka wada hadlayeen qorshaha dibu dhiska ciidamada Xooga dalka iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda xagga ammaanka. Kulamadan...

XOG RASMI AH: Duqa Muqdisho oo xilka laga qaadayo todobaadyo ka dib, ka dib markii uu qaaday talaabo aysan fileyn Villa Soomaaliya?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu hadda socdo qorshe xoog badan oo ay qeyb ka qaadanayaan Saraakiisha ugu sareysa Madaxtooyada Soomaaliya, ayna ku doonayaan in xil ka qaadis lagu sameeyo Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha gobalka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ka dib markii ay soo baxeen todobaadkan khilaaf xoog badan oo dhinacyo badan kala dhaxeeya. Xogta...

AKHRISO: Madaxweynaha Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyey 7 xubnood oo lagu eedeeyey Musuqmaasuq iyo Qaar kamid ah oo hadlay

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xil ka qaadis ku sameeyey mid kamid ah xubnaha golihiisa Xukuumada, gaar ahaana Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Puntland, sidaas oo kale Agaasimihii guud iyo shaqaale kale oo katirsanaa wasaaradaas ayaa shaqada laga ceyriyey. Puntlandtimes.com waxay ogaatay in uu jiray kiisas ku saabsan musuqmaasuq...

SAWIRRO: RW Soomaaliya & Wakiilo ka socda dawlad Gobaleedyada oo shir caalami ah kaga qeybgalay Brussels

Ra`iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Soomaaliya, Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo ee xagga ammaanka iyo Wakiilo ka socda dawlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa xarunta Midowga Yurub, waxay kaga qeybgalayaan dood ku saabsan xaaladda Ammaanka ee dalka iyo dibu dhiska ciidamo mideysan oo ay dhinacyadan oo dhan ku qanacsan yihiin. Khudbado laga jeediyey furitaanka shirka ayaa lagu sheegay in ay dawladda Faderaalka...

AKHRISO: Ka dib Doorashada Gudoomiyaha cusub maxaa laga sugayaa baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya?

Golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad waxaa uu isniintii guddoomiye u doortay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, arrintan oo soo af-jareysa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay golaha iyo xukuumadda kaas oo soo bilowday bilowgii kalfadhigan 3aad. Guddoomiyaha la doortay Maxamed Mursal waxaa laga sugayaa shaqo adag oo ay ugu horreyso inuu isu soo dhoweeyo xildhibaannada golaha shacabka oo ku kala tagay...

DHAGEYSO: Loolanka Wadamada UAE, Turkiga & Qadar oo halis galinaya Qaranimada iyo Sharafta Ummadda Soomaaliyeed?

MUQDISHO(P-TIMES) – Loolanka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya wadamada Imaaraatka Carabta, Qadar & Turkiga ee ay isku hayaan Soomaaliya ayaa halis laga cabsi qabaa in uu galiyo daganaanshaha iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, xili si weyn loogu kala aragti duwanaaday. Is balaarinta dhinacyada ee Mashaariicda horumarineed ay siyaasadooda ku fashunayaan ay ka wadaan gudaha dalka ayaa cabsi laga...

XOG CUSUB: Ma dhab-baa in Golaha Xukuumada DFS lagu sameyn doono Isku shaandheyn cusub.

MUQDIHSO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in ay jirto Isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya, taas oo ka dambeysay markii uu soo dhamaaday dagaal adag oo ay soo gaeen Xukuumada iyo baarlamaanka faderaalka. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa qorsheynaya in isku shaandheyntan lagu sameyn doono golaha Xukuumada, marka uu xilka la wareego Gudoomiyaha...

DAAWO: RW Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shir looga hadlayo la wareegida ciidamada Soomaalida ee Ammaanka Soomaaliya

Brussels(P-TIMES) – Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeybgalaya magaalada Brussels ee dalka Biljimka shir muhiim ah oo ay leeyihiin wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, Wadamada lacagaha bixiya iyo Ergo caalami ah, kaas oo looga hadlayo dibu dhiska ciidamada Xooga dalka iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda dhanka ammaanka. Ra’iisulwasaare...

WAR DEG DEG AH oo naga soo gaaray deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Tukaraq iyo God-Qaboobe ayaa sheegaya in daad xoog badan oo kusoo rogmaday Dooxooyinka deegaanadaas ay kalifeen in ay go’odo mid kamid ah boondooyinka muhiimka ah ee kutaalay inta u dhaxaysa labadaas deegaan. Isku socodkii oo dhan ayaa is taagay sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deegaanadaas, waxaana wararku ay sheegayaan in aysan horey gaadiidley...

AKHRISO+FALANQEYN: Maxay ka dhigan tahay Warsaxaafaded ka soo baxay Puntland laguna taageerayey Imaaraatka Carabta?

GAROOWE(P-TIMES)- Dawladda Puntland ayaa soo saartay warsaxaafadeed kale oo ay uga hadlayso iskaashiga kala dhaxeeya dawladda Imaaraatka Carabta, waxaana aad looga hadlay sidda ay Puntland ugu qanacsan tahay in ay Xukuumada Dubia fudud-galisay arrimaha la xariira safarada iyo daganaanshaha dalkaas oo ay horey Soomaalidu dhib badan ugu qabeen. Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ee Puntland...

XOG RASMI AH: DFS oo go’aamisay in Dawlad Shisheeye lagu wareejiyo ciidamadii ay tababartay dawladda UAE, YEYSE TAHAY DAWLADDAAS?

MUQDISHO(P-TIMES) – Xogo laga helay Laamaha Ammaanka & Sirdoonka ee dawladda Faderaalka Soomaaliya waxay daaha ka rogayaan in ciidamadii ay tababartay dawladda Imaaraatka Carabta ee kusugnaa Muqdisho lagu wareejinayo dawladda Qadar oo xariir wanaagsan kala dhaxeeyo Xukuumada Faderaalka. Saraakiisha ciidamada Xooga dalka ayaa laga soo dheegtay in uu jiro qorshe ay dhinacyada Soomaaliya & Qadar...

Somaliland oo beenisay in ciidamo katirsanaa ay ku biireen Puntland

HARGEYSA(P-TIMES)- Maamulka Somaliland ayaa beeniyey wararka sheegaya in ciidamo katirsanaa maamulkooda ay isku dhiibeen dhinaca Puntland oo ay ciidamadoodu isku hor fadhiyaan deegaano katirsan gobalka Sool, gaar ahaana Deegaanka Tukaraq oo masaafo dhan 60KM u jira caasumada Puntland ee Garoowe. Sidda ay warbaahinta u sheegeen xubno katirsan maamulka Hargeysa waxay beeniyeen wararka is dhiibida ciidamadooda...