WARBIXIN XASAASI AH: Soomaaliya waxay dhexda u taagan tahay Dagaal Xawilaadeed ka yimi wadamada Khaliijka.

MUQDISHO(P-TIMES)- Asbuucyo kahor ayay ahayd markii gobalka Geeska Africa u dhaqaaqay dhinaca nabadda, waxay ahayd wax aan lafileynin heshiiskii Itoobiya, Eritrea, Somalia iyo Jabuuti, waxayna ahayd talaabo aad ay ugu riyaaqeen caalamka badankiisa, gaar ahaana golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay. Laakiin Soomaaliya faa’iido badan uma yeelan isbedelada gobalka Geeska Africa, sababtuna waa dagaal...

DEG-DEG+DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas Oo Ku Dhawaaqay Inay D. Badhan La Wareegtay Kaalin Ay Puntland Horey Uga Jirtay Qardho.

BADHAN(P-TIMES)-Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo ku Sugan Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ku Dhawaaqay in Degmadas, Ay la Wareegtay Kaalin ay horey ugu jirtay Degmada Qardho ee Gobalka Karkaar. Madaxweyne Gaas, oo Shalay Gelinkii Dambe Khudbad ka Jeedinayay Munaasabad Xariga looga Jarayay Jaamacadda Makhir Ee Badhan, ayaa Sheegay in Badhan ay Hormaro balaaran Sameysay,...

Dabeysha Baarlamaanka: Ma Ra’iisul Wasaaraha ku bixi doono, mise Wasiirkiisa Amniga ayuu ku furan doonnaa ?

Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf ka dhex bilowday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ee dalka ka jira waxaa abuurmay xasillooni daro siyaasadeed, iyadoo Khilaafkan uu sii xoogeystay kaddib markii shir muddo afar cisho socday ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda...

AKHRISO: Baarlamaanka Soomaaliya oo markale Eedo kulul u soo jeediyey RW Kheyre, kuna baaqay in loo yeero.

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maalintii 3aad waxaa ay dood ka yeesheen arrimaha amniga. Xildhibaannada maanta hadlayey waxaa ay ku dheeraadeen xaaladda amniga iyo sida ay tahay dowladd inay wax uga qabato. Xildhibaan Jaabir Maxamed Cabdulle waxaa uu diiday xildhibaannada maalmihii tagay sheegay in ciidamada aan wax mushaar la siin, isaga oo yiri “Xildhibaannadii...

DAAWO+AKHRISO: Xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka oo markale maantana cadeeyey fashilka Xukuumada ee Amniga dalka.

MUQDISHO(P-TIMES) – Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya oo u socdo kalfadhigoodii 4aad, kiisa 3aad ayay maanta uga doodeen markale doodaha la xariria Amniga dalka, oo ay sheegeen in ay tahay in lagula xisaabtamo, waxaana ilaa maanta hadashay xildhibaano kala duwan oo soo jeediyey aragtiyo kala gedisan. Dood adag ayay maanta yesheen mudanayaasha baarlamaanka, waxaana doodu intii...

DABAGALKA WARKA: Safarka M/weyne Gaas ee G Sanaag ma yahay bilowga Ole-olaha Musharaxnimadiisa!

BARAN(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu maanta ku sii jeedaa magaalada Baran ee gobalka Sanaag, halkaas wuxuu tagayaa iyadoo ay maalmo ka hareen mudada xil-heyntiisa aadna isha loogu hayo dhaqdhaqaaqyadiisa ku aadan Musharaxnimada uu markale xilkan u ordayo. Madaxweynuhu wuxuu xariga ka jari doonaa Dhismaha Jaamacadda weyn ee Maakhir oo ay dhaqaalaha ku baxaysay bixisay...

SIR LA OGAADAY+CADEYMO: PSAWEN oo codsatay Joojinta Mashaariic Horumarineed oo muhiimad weyn ugu fadhiya Bulshada PL ee G Mudug.

NAIROBI(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in Hay’adda Maalgalinta dawladda Jarmalka ee GIZ loo diray qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Biyaha Puntland oo kamid ah Hay’addaha sida tooska ah u taga Madaxtooyada Puntland, waxaana qoraalka sidda ku cad loogu sheegayaa GIZ in ay joojiso Mashaariic la xariira Biya-xireenada ee ay ka wado deegaano kamid ah gobalka Mudug. Sidda...

WARBIXIN: Shir dhexmari lahaa Madaxda DF iyo D/gobaleedyada oo baaqday & Maxaase Caqabad ku noqday!

MUQDISHO(P-TIMES)- Shir uu horey ugu baaqay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, loogana hadli lahaa arrimaha siyaasadda iyo Amniga Qaranka ayaa maanta baaqday, kaas oo ay ka qeybgali lahaayeen Madaxda dawlad gobaleedyada Faderaalka ee dalka. Shirkan waxaa looga hadli lahaa Ammaanka, Siyaasadda iyo xariirka labada dhinac, waxaase u baaqday markii ay madaxda dawlad...

XOG+WARBIXIN: Kulamo xasaasi ah oo ka dhacaya Aqalka Madaxtooyada Garoowe & Siyaasiin Isku tolan noqday.

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxtooyada Puntland ayay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, kuwaas oo u dhaxeeya Madaxda maamulkaas iyo Guddi Dhexdhexaadin ah oo ka socda Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ay ku jiraan siyaasiin uusan wanaagsaneyn xariirka kala dhaxeeya Madaxtooyada Puntland. Kulamadan siyaasadeed waxaa aad looga hadlayaa khilaafka u dhaxeeya dawladda Faderaalka iyo Madaxda Puntland, gaar...

WARBIXIN: Dhibaatooyin badan oo ka soo baxaya Hab raaca Doorashada 2020-ka?

Dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya sida dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranku(GMDQ) waxaa ka go’an in  December 2020-ka la qabto doorashooyinka labada aqal ee Soomaaliya, Sida uu qabo dastuurka KMG ah qodobka 46(2) ee nidaamka matalaadda shacabka oo fursad u siinaya in uu uga qeybgalo, iyaga oo la iska ogolaaday  in doorashada xildhibaannada...

AKHRISO+CADEYN: Puntland oo war rasmi ah ka soo saartay Mashruucii Wadadii Garoowe iyo Gaalkacyo.

GAROOWE(P-TIMES)- Dowladda Puntland ayaa war rasmi ah ka soo saartay Mashruuca Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay dhawaan kudhawaaqday dawladda Jarmalku in ay ka baxday oo ay joojisay. Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo kuqornaa Luuqada Ingiriiska, una muuqday mid kusocda Jarmalka iyo Hay’adda Mashaariicda ee GIZ, ayaa diiradda lagu saaray qodobada kala ah. Puntland waxay...

XOG+WARBIXIN: Xaaladda TUKARAQ waa boog ku taala Doorashada Puntland, Maxayse ka damacsan tahay Xukuumada M/weyne Gaas?

GAROOWE(P-TIMES)- Culeys siyaasadeed iyo Amni ayay ku haysaa doorashada Puntland xaaladda kataagan gobalka Sool, gaar ahaana Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan 8 bilood ee lasoo dhaafay ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana markasta cabsi laga qabaa dagaal ka dhici karra. Puntland waxay hadda gashay jawiga doorashada Madaxtooyada iyo baarlamaanka oo dhici doona bisha Jan 2019, waxaana ilaa hadda...

DHAGEYSO+AKHRISO: Balan-qaadyadii M/weyne Farmaajo ee fashilmay, Maxaad ka og tahay?

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku fashilmay balan-qaadyo uu jeediyey markii ay dooranayeen mudanayaasha baarlamaanka, kuwaas oo haddii la fuliyo muhiimad u noqon lahaa waxqabadkiisa uu hadda la sheego. Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey u balan qaaday in uuyareyn doono Safaradiisa wadamada dibada, balse ilaa hadda inta uu xukunka qabtay...

AKHRISO: Madaxweynaha gobalka Soomaali Galbeed oo ku dhawaaqay war kale oo xasaasi ah.

JIGJIG(P-TIMES)- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuuxu kaga hadlay dhibaatooyinkii waa weynaa ee loo geystay Shacabka Soomaali Galbeed 27-kii sanno ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha oo hadalkiisa ku soo beegay Sannadka cusub ee Itoobiya 2011-ka ayaa si adag uga hadlay Tacadiyadii ay geysteen nidaamkii TPLF ee Tigree-ga Itoobiya...

WARBIXIN:- Maxay ka dhigan tahay Booqashada Wasiiro,Saraakiil Madaxtooyo, PHA iyo Isxilqaan kutagayaan Wadada Garowe & Galkacyo.

GAROOWE(P-TIMES)-Wararka ka imaanaya caasumada Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in ay subaxnimadii hore ee saaka kabaxeen halkaas wafdi iskugu jira wasiiro,Saraakiil Madaxtooyada kasocda, Madaxda PHA iyo Shirkadda ISXILQAAN oo horey u qaadatay Qandaraaska dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo. Ujeedada wafdigan oo ay la socdaan wariyayaal ayaa lagu sheegay sidii ay bulshada ula wadaagi lahaayeen xogaha...

DABAGALKA WARKA: Puntland & Jarmalka Yaa run ka sheegaya Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, Maxaase xaqiiqo ah?

GAROOWE(P-TIMES) – Dawladda Jarmalka oo ah deeq-bixiyaha Hantida dib loogu dayactiri lahaa wadada isku xirta Garoowe & Gaalkacyo, waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay joojisay Mashruucaas, waxay ku eedeysay in la musuqmaasuqay oo sidii loogu talo-galay waxba looga qaban waayay. Taas waxay soo shaac-baxday todobaadkan waxaana mudo dheer hakad ku jiray arrimaha Mashruuca. Madaxweynaha Puntland...

DHAGEYSO+SIR: Mashruuc laga fulin lahaa Deegaanka Baacadweyn ee PL oo la musuqmaasuq+VOA-da oo shaacisay

Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa hakiyey mashruuc ku saabsan horumairnta dadka reer guuraaga ah oo uu ka waday Soomaaliya kadib markii ay soo baxday in mashruucaas si xun loo maamulay. Dawladda Soomaaliya waxay isku dayday inay wax ka qabato walaaca bankiga islaamka iyadoo xabsiga u taxaabtay sarkaalkii maamulayey mashruucaas. Deegaanada laga fulin lahaa Mashruucan waxay kala yihiin Baacadweyn oo...

XOG RASMI AH: Mooshin ka dhan ah Xukuumada Faderaalka Soomaaliya oo qoritaankiisu ka socdo Muqdisho iyo Kheyre oo bilaabay.

MUQDISHO(P-TIMES)- Kulamo xasaasi ah ayay leeyihiin mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya iyo Xisbiyada Mucaaradka, kuwaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadeed ee hadda ka taagan gudaha dalka, waxayna si gaar ah diiradda u saarayaan waxqabad xumida xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanada mucaaradka iyo qaar kale oo hadda ku biiray ayaa xooga saaraya in ay mooshin ka...

AKHRISO: Maxaa ka soo baxay kulan aan caadi aheyn oo yeesheen Wasiiradda Puntland?

GAROOWE(P-TIMES)- Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Puntland, uuna shir gudoomiyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas, kana qeybgalay kuxigeenkiisa Eng, CabdiXakiim Xaaji CUmar ayaa looga hadlay qodobada ku saabsan Amniga gudaha, Siyaasadda Faderaalka, Shirkii Kismaayo, wadada Garoowe & Gaalkacyo isku xirta oo ay Jarmalku cadeeyeen in lagu fashilmay. Kulanka...

XOG: Somaliland iyo Al Shabaab oo ka wada shaqeenaya Weerar ka dhan ah Puntland, Mise og tahay PL?

Xog isa soo tareysa oo ay warbaahintu ka helayso xubno kamid ah maamulka Somaliland iyo saraakiisha sirdoonka ayaa sheegaya inuu jiro dhaq dhaqaaq ay kooxda Al Shabaab ka wado gobalka Mudug kaasi oo ku wajahan deegaanada Puntland. Mid kamid ah saraakiisha sare ee ka tirsan hay’ada sirdoonka ee Soomaalida oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso ayaa sheegay inuu jiro xiriiryo muddooyinkii danbe u dhaxeeyey...