XOG RASMI AH: Maxaa ka soo baxay wada hadalo dhexmaray M/weyne kuxigeenka Puntland & Isimadda Beesha Dhulbahante loogana hadlay Doorashada 2019?

GAROOWE(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in u jiray kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Cumar Camay iyo Isimadda beeshiisa oo ay uga wada hadleen doorashada mandiqada ee soo wajahan iyo arrimaha ku saabsan dib u soo celinta magaalada Laascaanood. Kulanka oo dhaca labo maalmood kahor ayaa intii uu socday dhinacyadu keenen fikrado kala duwan,...

DEG-DEG+AKHRISO:- Guddiga Doorashada Madaxweynaha K/galbeed Oo Lagu Dhawaaqay.

BAYDHABO(P-TIMES)-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Goor-dhaweyd la Magacaabay, si uu i Diyaaro Doorashada Dhici doonta Bisha Fooda nagu soo heysa. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye, ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano...

AKHRISO:- Mareykanka Oo Al-Shabaab-kii Ugu Badnaa Ku Xasuuqay Gobalka Mudug Iyo Tirada Dhimashada..

GAALKACYO(P-TIMES)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee marka Magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM, ayaa lagu Sheegay in ay duqeyn ay ka geysteen deegaan ku dhow degmada Xaradheere ee Gobalka Mudug ay ku dileen illaa 60 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Duqeyntan oo dhacday Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa qoraalka ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ...

XOG: Loolan adag oo kasocda Gobalka Mudug, Madaxtooyada PL oo lug ku leh & Wararkii u dambeeyey.

GAALKACYO(P-TIMES) – Loolan adag oo ku saabsan helida xubinimada baarlamaanka Puntland ayaa ka socda gobalka Mudug, wuxuuna si adag u dhaxeeya saaxiibada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas qaar kamid ah iyo siyaasiin horey uga dhex maqnaa xeyndaabka siyaasadeed, waxaana aad lays kugu hayaa kuraasta beelaha. Loolanka adag ayaa u dhaxeeya Xildhibaanada beelaha Cumar Maxamuud oo isku...

WAR DEG DEG AH:- Wasiirada Arrimaha Dibedda Ethopia Iyo Eritrea Oo Goor-dhow Laga Sugayo Muqdisho & Xog Ku Saabsan.

MUQDISHO(P-TIMES)-Wararka lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno Magalaada Muqdisho, ayaa Sheegay in Goor-dhow laga sugayo Magaaladaas Wafti heer sare ah oo ka socda Dowladaha Ethopia iyo Eritrea. Diyaar garow lagu soo dhoweynayo wafdigan ayaa saaka ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo la xiray qeybo ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin...

XOG RASMI AH:- Khilaaf Ka Dhex Aloosan M/weyne Farmaajo & R/wasaare Kheyre Iyo Sacuudiga Oo Sabab u ah.

MUQDISHO(P-TIMES)-Warsidaha PUNTLAND TIMES, ayaa Ogaaday inuu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Madaxda Saree e Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo Saacadba saacada ka dambeysa sii Xoogeysanaya. Xubno ku dhow Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa Warasidaha PUNTLAND TIMES u sheegay in Muddo ku dhow bil uusan Kulan gaar dhex marin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, kuwaas...

DAAWO:Laascaanood oo lagaga dhawaaqay war gil gilay Xildhibaanada Gobolka Sool ee Baarlamaanka P/Land & Maxaa laga yidhi?

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacday munaasibad khaas ah oo lagu taageeray xildhibaano lagu muransan yahay oo laga soo xulay gobolka Sool, waxaana qaarkood qado sharaf ay u sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada deegaanka. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

DHAGAYSO:Xildhibaanada laga soo xulayo Gobolka Sool oo war culus laga soo saaray & Garoowe oo….

GAROOWE(P-TIMES)- Maamulka gobolka Sool, siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolka Sool oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa ku baaqay in xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka Puntland ee laga soo xulayo gobolka Sool lagu xulo gudaha magaalada Garoowe. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODADKA

DAAWO:Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka Cusub QM u qaabilsan Soomaaliya

MUQDISHO(P-TIMES)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray. Kulan muhiim ah oo labada dhinac wada yeesheen kadib, ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya...

Agaasime cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga & Khayraadka Badda

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Xil.Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Maanta waxa uu Wasaaradaas u Magacaabay Agaasime KMG ah. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda loo Magacaabay Maxamuud Sh.Cabdullaahi Cabdiraxmaan. Sidoo kale magacaabista ayaa waxaa la ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha...

WAR CUSUB: Waa maxay Ujeedada aadan ogeyn ee safarka M/weynaha Galmudug ee ku tagay magaalada Gaalkacyo?

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, isagoo halkaas ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo odayaasha iyo waxgaradka beeshiisa oo ay ka wada hadlayaan arrimaha ku saleysan xaaladda waqtigan ka taagan galmudug. Wararku waxay sheegayaan in ilaa hadda la xaqiijiyey in u la kulmay Odayaasha Beesha Sacad oo ay ka wada hadleen sidii garab...

DEG DEG: TPLF (Tigree) oo ka hor yimi Golaha Wasiiradda ee RW Itoobiya magacaabay, kuna dhawaaqay.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Xisbiga TPLF ee Tigree-ga, loogana hadlayay xaaladda Itoobiya ayaa lagu magacaabay Madaxa Nabadsugida, Sirdoonka & Hogaanka guud ee Nabadgalyada Ismaamulkaas. Hoggaanka Nabadgalyada TPLf waxay u magacowdeen General Tsadikan Weldelde Tinsae, wuxuu mudo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Difaaca Itoobiya, wuxuuna saameyn badan ku lahaa arrimihii...

XOG RASMI AH: Cabdiweli Gaas oo booqday Jiidaha hore ee G. Sool, muxuuse la kulmay?

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa subaxnimadii hore ee Talaadada booqday taliska ciidamada difaaca Puntland ee kusugan duleedka deegaanka Tukaraq oo ay Somaliland qabsatay bilowgii sannadkan, Xukuumadiisuna marar badan sheegtay in ay soo celinayso. Madaxweynaha Puntland oo ay safarkiisan ku wehliyeen wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda gobalka Sool, ayaa la kulmay...

DAAWO:War culus oo ka dhan ah Ajaaniibta oo Garoowe lagaga dhawaaqay & Xarunta Socdaalka Jinsiyadaha oo……

GAROOWE(P-TIMES)- Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa maanta lagaga dhawaaqay war culus oo ka dhan ah Ajaaniibta soo galaya gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii maanta la daah furay xarun cusub oo socdaalka iyo jinsidaha ah.

DEG-DEG+DAAWO:- Dhoofinta Duur-joogta Oo Somaliland Halkii Ugu Xumaa Gaadhay & Koox Wadata Galeyr..

BURCO(P-TIMES)-Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Dad ka ganacsada Door-joogta Iyo Galeyr yar oo ay kasoo qabteen Duleedka Magaalada Burco, kaas oo ay doonayeen inay u dhoofiyaan Dalka Dibediisa. Booliska ayaa la Sheegay inay Weerareen kooxdan halka ay ku Hayaan Duurjoogta ay ka ganacsadaan oo ku taalla Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer, Iyagoona Xabsiga u taxaabay. RIIX HALKAAN...

DHAGAYSO:Dadkii ugu badnaa oo kasoo qaxay dagaalada Al-shabaab & deegaano ka tirsan Galmudug oo….

GAALKACYO(P-TIMES)- Deegaano ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxaa gaadhay dadkii ugu badnaa ee kasoo qaxay dagaalada ka socda qaybo kamid ah dalka Somalia ee ay wadaan ururka Al-shabaab, kuwaas oo xaaladooda aad looga dayrinayo.  

DHAGAYSO:Bulshada Boocame oo meel adag ka istaagay xaalufinta deegaanka & ka ganacsiga dhuxusha

GAROOWE(P-TIMES)- Waxgaradka iyo dhalinyarada degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa isku xilqaamay in ay si iskaa wax u qabsasho ah ay ku joojiyaan ka ganacsiga dhuxusha oo fara ba’an ku haysa deegaanka Boocame, waxaana shirar ka dhacay gudaha degmada Boocame looga hadlay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta deegaanka. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA C/risaaq Cali Salaad oo kamid ah waxgaradka...

DAAWO:Wasiirka deegaanka Puntland oo kormeeray goobo warro biyood casri ah oo laga hirgelinayo degaanka Kalabayr

GAROOWE(P-TIMES)- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo ay wehelinayaan agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan wasaradda ayaa kormeer ku tagay xurfo casri ah oo ay wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladu ka dhisayso Deegaanka Kalabayr ee gobolka Nugaal. Wasiirka ayaa booqday xili ay shaqada...

Galmudug garabka Xaaf oo dacwad ka gudbiyey wasiiro iyo xilhibaano ka tirsan DFS

CADAADO(P-TIMES)- Galmudug ayaa waxa ay sheegtay in weli ay taagan tahay faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka Galmudug, islamarkaana maalmahan uu bilawday abaabul hor leh oo loogu gacan haatinayo xildhibaanada Galmudug inay tagaan magaalada Cadaado. Qoraal ka soo baxay Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay dowladda burburinta heshiiskii ay wada galeen Ahlu Sunna iyo Galmudug...

Al-Shabaab oo xalay weeraray Bar-Koontorool oo ay leeyihiin ciidamada dowladda

MUQDISHO(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-Shabaab xalay ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka koonfureed ee Magalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaal mudo socday ayaa dhexmaray ciidamada dowladda ee koontorolka ku sugan iyo Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday sida ay Dalsan u sheegeen dad ku sugan magalada Jowhar. Kontoroolka...