DAAWO: Axmed Madoobe oo fariin adag u diray Musharaxiinta kale ee latartamaya.

KISMAAYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu yeeray musharaxiinta kale ee u taagan qabashada xilka Madaxweyne-nimada Jubbaland in ay nasiibkooda aaminaan oo ay maraan sharuudaha Sharciga ah ee ay soo gudbiyeen guddiga Doorashadu.

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta is diwaangaliyey, ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in aan la siyaasadeyn amniga iyo horumarka Jubbaland, wuxuuna sheegay in meel fog laga keenay maamulka, kuwa doonaya in ay dib u celiyaana ay been fakareen.

HALKAN KA DAAWO WARKII U DAMBEEYEY

Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in ay amniga sugeen, wuxuuna ku dhaliilay saaxiibadiisa qaarkood in ay jeclaan lahaayeen amaan darro in ay dhacdo, taasi wuxuu sheegay in ay halis ku tahay daganaanshaha oo dhan.

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray in magacaabida guddiga ay tahay awood Dastuuri ah oo uu isagu leeyahay, wuxuuna sheegay in Dastuurka loo baahan yahay in aan gorgortan lagagalin, lana aqbalo xaqiiqada taala deegaanka.

Dawladda Faderaalka ayuu ku eedeeyey in ay doonayso in ay dumiso Jubbaland, laakiin si maldahan ayuu u sheegay in ay marar badan isku dayeen damacaas balse uu socon waayay oo dantoodu ku jirto in ay garowsadaan xaqiiqada taala.