DAAWO-Caasha Geelle oo ka hadashay safarkii Khayre, sababtii ay u keentay waqooyiga Galkacyo, haddii ay xil raadinayso & xiriirkeeda Puntland.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha haweenka dowladda Puntland Marwo Caasha Geelle Diiriye oo ku sugan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadashay arrimo xasaasi ah.

Caasha Geelle Diiriye ayaa waxa ay aad ugu dheeraatay hadal haynta ka dhalatay booqashadii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee waqooyiga Galkacyo oo ay iyadu kamid ahayd dadkii daadihinayey waftigiisa.

Waxa ay sidoo kale, kaga hadlaysaa muuqaalkaan xogo la xiriira haddii ay xil ka raadinayso dowladda federalka ah ee Soomaaliya maadaama dadka qaar sheegeen in safiir cusub loo magacaabi doono oo ay xil jafanaysay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO

Caasha Geelle waxa ay ka hadlaysaa arrimaha Puntland, khilaafka kala dhexeeya madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

DAAWO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*