DAAWO: DF Soomaaliya oo war ka soo saartay Xoolo katagay SOmaliland oo ku xayirnaa Sacuudiga.

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku cadaadisay dawladda Sacuudi Careebiya in ay fasaxdo Markab weyn oo waday xoolo katagay Somaliland, oo la xanibay markii sida ay sheegtay uusan wadan warqada ogolaanshaha caafimaad ee dawladda Soomaaliya.

Ra`iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo ka soo jeeda Somaliland oo xalay shir jaraa`id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Boqortooyadu in ay fasaxdo Markabkan xoolaha waday.

HALKAN KA DAAWO

Mr, Guuleed ayaa cadeeyey in uu Madaxweynaha Soomaaliya dadaal badan ku bixiyey sidii markan loo fasixi lahaa xoolahan, wuxuuna sheegay in ay Xukuumadda Sacuudigu ogolaatay, wixii hadda ka dambeeyana ay waajib tahay in lala yimaado Shahaadada Caafimaadka xoolaha ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*