DAAWO: Isimadda dhaqanka ee Jubbaland oo ku sii qulqulaya Kismaayo & Hardanka Doorashada.

KISMAAYO(P-TIMES) – Odayaasha Dhaqanka ee Jubbaland ayaa kusii qulqulaya magaalada Kismaayo, si ay u gutaan masuuliyadda ka saaran arrimaha doorashooyinka maamulkaas oo la qorsheeyey in ay dhacdo bisha August ee nagu soo wajahan.

Isimo kala duwan oo katagay gobalada Gedo & Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka dagay magaalada Kismaayo, waxaana dhawaan la xareyn doonaa Isimadda dhaqanka oo soo xulaya xubnaha baarlamaanka Jubbaland.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATID FALANQEYNTA DOORASHADA

Guddiga Doorashooyinka & Xaduudaha ee Jubbaland oo dhawaan shaaciyey jadwalka doorashada ayaa ugu baaqay Cuqaasha dhaqanka in ay soo dadajiyaan liiska musharaxiinta xildhibaanada cusub.

Doorashada Jubbaland hardan adag ayaa ka taagan oo u dhaxeeya musharaxiinta Madaxweyne-nimada waxaana xubnaha la tartamaya Madaxweyne Axmed Madoobe ay ka walaacsan yihiin xornimada doorashadan.

Musharaxiinta qaarkood ayaa ka walaacsan Amniga, waxaana Jimcihii weerar ismiidaamin iyo dagaal ah lagu qaaday mid kamid ah Hotelada mashquulka badan ee magaalada Kismaayo.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATID WARKII U DAMBEEYEY

 

 

10 Comments

  1. Guddiga Doorashooyinka & Xaduudaha ee Jubbaland oo dhawaan shaaciyey jadwalka doorashada ayaa ugu baaqay Cuqaasha dhaqanka in ay soo dadajiyaan liiska musharaxiinta xildhibaanada cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*